{"id":415460,"date":"2020-03-06T15:26:22","date_gmt":"2020-03-06T12:26:22","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=415460"},"modified":"2020-03-07T08:47:40","modified_gmt":"2020-03-07T05:47:40","slug":"horjooge-ka-tirsanaa-al-shabaab-oo-lagu-dilay-duqeyn-ka-dhacday-kuunyo-barroow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/horjooge-ka-tirsanaa-al-shabaab-oo-lagu-dilay-duqeyn-ka-dhacday-kuunyo-barroow\/","title":{"rendered":"Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Kuunyo barroow"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-War saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howl-galka Africom ayaa lagu sheegay in weerar ay ka geysteen Ciidamada wada jira Sh\/hoose ay ku dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Habeenkii xalay oo ay Taariikhdu ahayd 5-ta Maarso, 2020,\u00a0 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn Cirka ah la beegsaday Argagaxisada Al-shabaab ee ku sugan nawaaxiga Kuunya barrow ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Weerarkan duqeynta ee laga soo shaqeeyey ayaa lagu dilay Horjooge ka tirsan Argagaxisada Al-shabaab.<\/p>\n<p>Duqeyntan iyo guulahii dhawaan laga gaaray duullaannadii dhulka ayaa tusaale u ah in DFS iyo bah-wadaagteeda Mareykanka ay ku dabajiraan kuwa Argagaxiya Dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.<\/p>\n<p>Hoggaanka Al-shabaab ayaa horay u caddeeyey in weeraradooda ay la beegsanayaan Dowladda Soomaaliya, saaxiibada Geeska Afrika, Dowladda Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee Adduunka oo idil.<\/p>\n<p>Hubin ay sameeyeeyn DFS iyo Mareykanka ayaa lagu ogaaday in aysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymahan xagga Cirka ah ee la qaaday.<\/p>\n<p>Doorka Mareykanka uga aaddan dedaallada caalamiga ah ayay Ciidanka AFRICOM iyo Hay\u2019adaha kala duwan ee Mareykanka ka caawiyaan Dowladda Soomaaliya hawlaha u yaalla ee ay iyadu hormuudka ka tahay oo ku saabsan ka hortagga iyo iska caabinta in Ururrada Argagaxisadu soo abaabulaan kharbudaad ballaaran.<\/p>\n<p>Dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ayay uga soo horjeedaan Al-shabaab iyo gabood-fallada ay kula kacaan Shacabka aan wax galabsan, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-War saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howl-galka Africom ayaa lagu sheegay in weerar ay ka geysteen Ciidamada wada jira Sh\/hoose ay ku dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab. Habeenkii xalay oo ay Taariikhdu ahayd 5-ta Maarso, 2020,\u00a0 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn Cirka ah la beegsaday Argagaxisada Al-shabaab [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":415461,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-415460","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415460","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=415460"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415460\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":415467,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415460\/revisions\/415467"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/415461"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=415460"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=415460"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=415460"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}