{"id":415068,"date":"2020-03-01T10:44:46","date_gmt":"2020-03-01T07:44:46","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=415068"},"modified":"2020-03-01T10:49:25","modified_gmt":"2020-03-01T07:49:25","slug":"xukun-daain-lagu-riday-xubin-al-shabaab-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xukun-daain-lagu-riday-xubin-al-shabaab-ah\/","title":{"rendered":"Xabsi Daa&#8217;in lagu xukumay xubin Al-shabaab ah."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun Daai&#8217;in ku riday Xubin ka mid ah Kooxda Al-habaab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, kaasi\u00a0 oo loo heysto in uu ka mid ahaa Al-shabaab, qeybooda fulisa weerarrada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan ayaa 26-kii bishii September sanadkii 2019-kii lagu qabtay Baladul-Amiin, isaga oo dhaawac ah, sida saakay laga hor sheegay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo\u00a0go\u2019aamisay 17-kii Febraayo in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaana garsoorayaasha u sheegay in eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira.<\/p>\n<p>Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu ka qeyb galay weerarro ka kala dhacay Bariire, Buulo-Mareer, Baraawe iyo Golweyn, tan iyo markii uu maleeshiyada Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-kii, xilligaas oo uu ka raacay magaalada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose.<\/p>\n<p>Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go\u2019aan ku gaaray in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa\u2019in sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida G\/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.<\/p>\n<p>Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in xukunsanaha uu heysto fursad rafcaan uu ku qaadan karo muddo ku siman 30-cisho gudahood.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun Daai&#8217;in ku riday Xubin ka mid ah Kooxda Al-habaab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, kaasi\u00a0 oo loo heysto in uu ka mid ahaa Al-shabaab, qeybooda fulisa weerarrada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Cabdiraxmaan ayaa 26-kii bishii September sanadkii 2019-kii lagu qabtay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":415069,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81,91],"tags":[],"class_list":{"0":"post-415068","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka","8":"category-wargayska"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415068","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=415068"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415068\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":415072,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415068\/revisions\/415072"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/415069"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=415068"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=415068"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=415068"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}