{"id":414933,"date":"2020-02-27T09:06:42","date_gmt":"2020-02-27T06:06:42","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=414933"},"modified":"2020-02-27T09:06:42","modified_gmt":"2020-02-27T06:06:42","slug":"hayadda-lacagta-adduunka-oo-ku-dhawaaqday-hannaanka-taariikhiga-ah-ee-soomaaliya-looga-cafinayo-deymaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-lacagta-adduunka-oo-ku-dhawaaqday-hannaanka-taariikhiga-ah-ee-soomaaliya-looga-cafinayo-deymaha\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Lacagta Adduunka oo ku dhawaaqday hannaanka Taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafinayo deymaha"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha fulinta hay\u2019adda lacagta Adduunka IMF, Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in hay\u2019addoodu ay heshay lacag ku filan oo lagu bixin karo deynta Soomaaliya lagu leeyahay, Boqol Dal ka badan ayaa ballan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka bixinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.<\/p>\n<p>Kristalina Georgieva, ayaa tiri \u201c100 xubnood oo ka.mid dalalka ku bahoobay hey\u2019adda ay ansixiyeen 334 milyan oo doolar oo lagu maalgalinayo dayn cafinta Soomaaliya, mar alaala iyo marka la helo lacagahani waxaa loo gudbiyaa cafinta daymaha, maalgalintani waxay gaarsiinaysaa hal abuurka dayn dhaafka wadamada faqriga ah, sidookale wadiiqadani waxay albaabka u furaysa dhaqaale hor leh oo lagu taageerayo Soomaaliya.\u201d<\/p>\n<p>Agaasime; Kristalina Georgieva waxay ku dartay \u201cGo\u2019aanka maalgalinta ee maanta waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya u abuuraya fursad ay hore ugu socoto hanaankan, Hey\u2019adda lacagta aduunka iyo beesha caalamka, waxaa naga go\u2019an inaan taageerno soo kabashada Soomaaliya kaddib waqti dheer oo colaadi ay ku jirtay.<\/p>\n<p>Agaasimaha hay\u2019adda lacagta adduunka ayaa u mahadcelisay wadamada xubnaha ka ah hey\u2019adda ee ansixiyay dhaqaalahaan, waxaa kale oo ay qirtay dadaalka wada shaqeeneed wadamada iyo hay\u2019adaha lacagaha ku leh Soomaliaya sida Bangiga aduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, kooxda Paris iyo wadamada kale ee qeybta ka ah.<\/p>\n<p>\u201cTani waxay hoosta ka xariiqaysaa aqoonsiga xubnaheena ee sida ay Soomaaliya xoogga u galisay ka go\u2019naanteeda dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey\u2019adaheeda maaliyadda xili ay Soomaaliya ku jirtay marxalad adag oo caqabado ku wajahan yihiin, Soomaaliya waxay talaabo u qaaday soo xeridda bogga dayn cafinta iyo gaarida barta go\u2019aan qaadashada, waxay awoodi doontaa hannaankaan kadib horumar dhaqaale oo ay ku jirto yaraynta faqriga.\u201d Ayay hadalkeeda ku dartay Kristalina Georgieva.<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay soo dhaweeyay go\u2019aanada wax ku oolka ah ee ka soo baxay hay\u2019adda lacagta Adduunka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha fulinta hay\u2019adda lacagta Adduunka IMF, Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in hay\u2019addoodu ay heshay lacag ku filan oo lagu bixin karo deynta Soomaaliya lagu leeyahay, Boqol Dal ka badan ayaa ballan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka bixinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay. Kristalina Georgieva, ayaa tiri \u201c100 xubnood oo ka.mid dalalka ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":414934,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-414933","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414933","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=414933"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414933\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":414935,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414933\/revisions\/414935"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/414934"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=414933"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=414933"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=414933"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}