{"id":414505,"date":"2020-02-20T12:02:14","date_gmt":"2020-02-20T09:02:14","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=414505"},"modified":"2020-02-20T12:02:14","modified_gmt":"2020-02-20T09:02:14","slug":"raiisul-wasaare-khayre-oo-isbitaalka-xoogga-ku-booqday-askartii-dhaawacyadu-ku-gaareen-difaacidda-qarannimada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-khayre-oo-isbitaalka-xoogga-ku-booqday-askartii-dhaawacyadu-ku-gaareen-difaacidda-qarannimada\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Khayre oo Isbitaalka Xoogga ku booqday Askartii dhaawacyadu ku gaareen Difaacidda Qarannimada"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, iyaga oo argagaxisada ka difaacaya dhiiga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, ayaa halyaayada qaranka ee dhaawacyada qaba u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan askartii shahiidayna uu Allah Shahiidnimadooda ka aqbalo.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra\u2019iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.<\/p>\n<p>Geesiyaasha dhaawacyadu kusoo gaareen badbaadinta qarannimada, nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ayaa Ra\u2019iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada cawadga looga xoreynayo qaybaha ay dalka uga sugan yihiin.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed<\/p>\n<p>.<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-414508\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/5-14-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/5-14-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/5-14-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/5-14.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-414510\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/7-14-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/7-14-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/7-14-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/7-14.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, iyaga oo argagaxisada ka difaacaya dhiiga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed. Ra\u2019iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":414507,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-414505","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414505","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=414505"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414505\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":414511,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414505\/revisions\/414511"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/414507"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=414505"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=414505"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=414505"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}