{"id":414367,"date":"2020-02-18T13:43:07","date_gmt":"2020-02-18T10:43:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=414367"},"modified":"2020-02-18T13:43:07","modified_gmt":"2020-02-18T10:43:07","slug":"maxkamadda-ciidamada-oo-xukun-ku-ridday-dambiileyaal-ka-tirsan-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maxkamadda-ciidamada-oo-xukun-ku-ridday-dambiileyaal-ka-tirsan-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Cabbdulqaadir Suufi Muunye\u00a0 &amp; Saciid Cumar Cabbdullaahi\u00a0 ayaa loo\u00a0 heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.<\/p>\n<p>Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa\u00a0 horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka.<\/p>\n<p>Cabbdulqaadir oo magaciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay\u00a0 degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir\u00a0 8-dii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid\u00a0 laga soo qabtay\u00a0 xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii\u00a0 September Sanadkii hore.<\/p>\n<p>Xafiiska Xeer Ilaalinta\u00a0 ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-kii January ee sanadkan iyadoo Horaantii Febraayo ay Maxkamaddu u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.<\/p>\n<p>Cabduqaadir iyo Saciid\u00a0 ayaa ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay labadooda hoostegi jireen Dakhare oo isna\u00a0 dhuumaaleysi ka ah gacmaha sharciga.<\/p>\n<p>Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah horjoogaha tobanka tuullo\u00a0 ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna labada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey.<\/p>\n<p>Maxkamadda ayaa wada tashi\u00a0 dheer kadib go\u2019aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbdulqaadir Suufi Muunye\u00a0 &amp; Saciid Cumar Cabbdullaahi\u00a0 \u00a0waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare\u00a0 Xasan Cali Nuur Shuute.<\/p>\n<p>Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir 28-kii\u00a0 August sanadkii ina dhaafay.<\/p>\n<p>Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu\u00a0 ahaa wakiil wareed\u00a0 mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.<\/p>\n<p>Xafiiska xeer\u00a0 ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay.<\/p>\n<p>Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska\u00a0 xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha marka ay u arkaan in ay\u00a0 jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha.<\/p>\n<p>Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina dhaaftay ee sanadkan\u00a0 \u00a0ogolaatay soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dhageysiga eedda loo heysto Xasan\u00a0 luqmaan.<\/p>\n<p>Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.<\/p>\n<p>Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Alshabaab.<\/p>\n<p>Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay<\/p>\n<p>Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go\u2019aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu\u00a0 la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare\u00a0 Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.<\/p>\n<p>Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo\u00a0 ay ku\u00a0 dalban karaan Rafcaan<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Cabbdulqaadir Suufi Muunye\u00a0 &amp; Saciid Cumar Cabbdullaahi\u00a0 ayaa loo\u00a0 heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa\u00a0 horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":414368,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-414367","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414367","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=414367"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414367\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":414369,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/414367\/revisions\/414369"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/414368"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=414367"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=414367"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=414367"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}