{"id":413327,"date":"2020-02-08T13:01:53","date_gmt":"2020-02-08T10:01:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=413327"},"modified":"2020-02-08T13:01:53","modified_gmt":"2020-02-08T10:01:53","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-saxiixay-sharciga-batroolka-ee-jfs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-saxiixay-sharciga-batroolka-ee-jfs\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Batroolka Ee JFS"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu Sharcigan u leeyahay shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama uu sharcigan hagayo xuquuqda muwaadiniinteennu<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">ay u leeyihiin in looga faa\u2019iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go\u2019an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsiga ku aaddan xasilloonida dalka iyo in wadajir ah ay ugu tallaabsadaan Gu\u2019ga barwaaqo-sooranka iyo horumarka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">Sharciga Batroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">DHAMMAAD<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000; font-family: Calibri;\">\u00a0<\/span><\/p>\n<h1><\/h1>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu Sharcigan u leeyahay shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama uu sharcigan hagayo xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa\u2019iideeyo khayraadka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":413328,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-413327","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/413327","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=413327"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/413327\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":413329,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/413327\/revisions\/413329"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/413328"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=413327"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=413327"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=413327"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}