{"id":412934,"date":"2020-02-02T09:59:06","date_gmt":"2020-02-02T06:59:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=412934"},"modified":"2020-02-02T09:59:06","modified_gmt":"2020-02-02T06:59:06","slug":"dawladda-iiraan-oo-sheegtay-inay-soo-bandhigayso-dayax-gacmeed-cusub-maalmaha-soo-socda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dawladda-iiraan-oo-sheegtay-inay-soo-bandhigayso-dayax-gacmeed-cusub-maalmaha-soo-socda\/","title":{"rendered":"Dawladda iiraan oo Sheegtay inay Soo Bandhigayso Dayax Gacmeed Cusub Maalmaha Soo Socda."},"content":{"rendered":"<p style=\"font-weight: 400;\">Madaxa Wakaaladda Hawada ee Iiraan\u00a0<strong>Murtada Beraari<\/strong>\u00a0ayaa\u00a0 warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu isu diyaarinayo in uu dhowr maalmood gudahood ku soo bandhigo dayax-gacmeed cusub oo loogu magac daray &#8220;Dafar&#8221;, kaasoo ay hawada u diri doonaan maalmaha soo socda.<\/p>\n<p>Beeraari wuxuu si kooban u sharraxay dayax gacmeedkan iyo ujeedka ay ka leedahay Dawladdiisu, isagoo tilmaamay in hirgelinta qamar sanaacigan la bilaabay saddex sano kahor, iyadoo ay ka qayb qaateen 80 aqoonyahanno iiraaniyiin ah oo ku takhasusay cilmiga dayax gacmeedyada.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Wuxuu intaa ku daray in dayax gacmeedkan culayskiisu yahay\u00a0<strong>113 KG<\/strong>\u00a0isla markaana uu adduunka oo dhan kusoo wareegi karo 15 jeer maalin kasta, sidoo kalena uu awood u leeyahay inuu\u00a0<strong>530 FEET<\/strong>\u00a0oo hawada ah tagi karo.<\/p>\n<p><strong>\u201cUjeeddada ugu weyn ee Dawladda iiraan ka leedahay una samaysatay dayax gacmeedkan waxay noqon doontaa uruurinta muuqaallo, ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo horumarinta beeraha \u201c<\/strong>\u00a0ayuu yiri Beraari.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa walaac xoog leh ku abuuraysa wadamada reer galbeedka oo maraykanku ugu horreeyo, iyagoo u arka in iiraan ay qaadayso tallaabooyin ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ayna dhibaato ku tahay nabadgelyada caalamka.<\/p>\n<p>Mudane Beeraari wuxuu kaloo caddeeyey\u00a0in hay\u2019addiisu ay ku talajirto inay sidoo kale soo gabagabeeyo soo saarida shan dayax gacmeed oo dheeraad ah bisha\u00a0<strong>Maarso<\/strong>\u00a0ee sanadka soo socda\u00a0<strong>2021<\/strong>.<\/p>\n<p><strong>Turjumaadii :- Zakariye Khaliif Faarax<br \/>\nNews Room \u2013 Warbaahinta Qaranka.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxa Wakaaladda Hawada ee Iiraan\u00a0Murtada Beraari\u00a0ayaa\u00a0 warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu isu diyaarinayo in uu dhowr maalmood gudahood ku soo bandhigo dayax-gacmeed cusub oo loogu magac daray &#8220;Dafar&#8221;, kaasoo ay hawada u diri doonaan maalmaha soo socda. Beeraari wuxuu si kooban u sharraxay dayax gacmeedkan iyo ujeedka ay ka leedahay Dawladdiisu, isagoo tilmaamay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":412935,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-412934","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/412934","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=412934"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/412934\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":412936,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/412934\/revisions\/412936"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/412935"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=412934"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=412934"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=412934"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}