{"id":412008,"date":"2020-01-16T09:00:56","date_gmt":"2020-01-16T06:00:56","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=412008"},"modified":"2020-01-21T12:38:32","modified_gmt":"2020-01-21T09:38:32","slug":"macallinka-kooxda-dekedda-ee-yuu-cali-oo-ka-hadlay-guushii-ay-ka-gareen-rajo-fc-rajadooda-hanashada-horyaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/macallinka-kooxda-dekedda-ee-yuu-cali-oo-ka-hadlay-guushii-ay-ka-gareen-rajo-fc-rajadooda-hanashada-horyaalka\/","title":{"rendered":"Macallinka Kooxda Dekedda ee Yuu Cali oo ka hadlay guushii ay ka gareen Rajo FC &#038; Rajadooda hanashada horyaalka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho(SONNA)-<\/strong> Naadiga Dekedda ayaa guul muhiim ka gaartay naadiga Rajo FC kaddib markii ay 2-0 ugu adkaatay, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Somali Premier League.<\/p>\n<p>Dekedda guushan ay ka gaareen dhiggooda Rajo waxay uga dhigan tahay inay hoggaanka horyaalka sii dheereysatay, iyadoo iminka leh 7-dhibcood oo nadiif ah.<\/p>\n<p>Kooxda Dekedda ayaa sanadkii la soo dhaafay ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League, iyadoo saddex jeer oo xiriir ah ku guuleysatay koobkan.<\/p>\n<p>Haddaba guushii ay gaareen kooxda Dekedda waxaa ka hadlay hoggaamiye Yuu Cali isagoo yiri: \u201cAllaah ayaa ku mahadsan oo guul na siiyay, waa mid na farxad galinaysa guushan, sidoo kale nagu dhiiri-galinaysa inaan markii afaraad ku guuleysanno horyaalka.\u201d<\/p>\n<p>\u201cHadda waxaan hoggaanka horyaalka ku haynaa todobo dhibcood, waxaan rajaynaynaa inaan iska ilaalinno khasaaro naga soo gaarta kooxaha kale.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cWaan ogahay in loollanka horyaalka uu aad u adag yahay, balse waxaa kaashan doonaa qibradda aan u leeyahay ku guuleysiga horyaalka, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan ciyaartooyda, maamulka &amp; taageerayaasha kuwaas oo mar walba nala garab taagan hiil iyo hoo, mahadsanadiin.\u201d<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, kooxda Dekedda ayaa kulanka soo aaddan waxa ay la dheeli doonta kooxda Jazeera Sports Club, ciyaartaas oo dhici doonta 22-ka bisha oo ku beegan maalin Arbacada ah ee todobaadka soo socda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)- Naadiga Dekedda ayaa guul muhiim ka gaartay naadiga Rajo FC kaddib markii ay 2-0 ugu adkaatay, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Somali Premier League. Dekedda guushan ay ka gaareen dhiggooda Rajo waxay uga dhigan tahay inay hoggaanka horyaalka sii dheereysatay, iyadoo iminka leh 7-dhibcood oo nadiif ah. Kooxda Dekedda ayaa sanadkii la soo dhaafay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[85,94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-412008","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","6":"category-ciyaaraha","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/412008","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=412008"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/412008\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":412009,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/412008\/revisions\/412009"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=412008"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=412008"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=412008"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}