{"id":411954,"date":"2020-01-19T08:25:07","date_gmt":"2020-01-19T05:25:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=411954"},"modified":"2020-01-21T12:19:50","modified_gmt":"2020-01-21T09:19:50","slug":"macalin-ole-gunnar-solskjaer-oo-si-weyn-u-ammaanay-klopp-kahor-kulanka-ay-caawa-ku-wada-ciyaari-doonaan-anfield","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/macalin-ole-gunnar-solskjaer-oo-si-weyn-u-ammaanay-klopp-kahor-kulanka-ay-caawa-ku-wada-ciyaari-doonaan-anfield\/","title":{"rendered":"Macalin Ole Gunnar Solskj\u00e6r oo si weyn u ammaanay Klopp kahor kulanka ay caawa ku wada ciyaari doonaan Anfield"},"content":{"rendered":"<p><strong>Manchester(SONNA)-<\/strong>\u00a0Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskj\u00e6r ayaa si weyn u ammaanay qaab ciyaareedka naadiga uu hoggaamiyo dhigiisa J\u00fcrgen Klopp ee Liverpool xilli ciyaareedkan.<\/p>\n<p>Ole Gunnar Solskj\u00e6r ayaa ku tilmaamay Liverpool inay tahay kooxda ugu fiican xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League, xilli labada kooxood ay caawa ku balansan yihiin inay wada ciyaaraan.<\/p>\n<p>Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa caawa oo Axada ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Anfield naadiga ay xilfaltamaan ee Manchester United, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tiran kulamada 23-aad ee horyaalka Premier League.<\/p>\n<p>Haddaba wargeyska \u201cThe Guardian\u201d ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay macalin Ole Gunnar Solskj\u00e6r kahor ciyaarta caawa ka dhici doonto garoonka Anfield, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:<\/p>\n<p>\u201cWaxaan jeclaan lahaa inaan noqdo qofkii ugu horreeyay ee qira in J\u00fcrgen Klopp uu shaqo weyn ka qabtay kooxda Liverpool\u201d.<\/p>\n<p>\u201cHaddii aad fiiriso Liverpool haatan, waxay guuleysteen 33 kulan, waxayna bar-bardhac galeen 5 kulan, 38-kii kulan ee ugu danbeysay ay ka ciyaareen horyaalka Premier League, waxay qabanayaan shaqo fiican\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxay ku guuleysan karaan saddex koob xilli ciyaareedkan, aan aragno waxa ay ku guuleysan doonaan bisha May, waxay ciyaari doonaan kulamo badan ee aad u adag\u201d.<\/p>\n<p>\u201cKulankii ugu dambeeyay ee aan la ciyaarnay Liverpool, waxay ahaayeen kuwa ugu sareeya ee horyaalka, anagana waxaan hal dhibac u jirnay saddexda hoose, waxay u qalmeen ciyaartoyda inay dareemaan cadaadiska, taasoo aan dhicin, si ay arrinta wax uga qabtaan\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan hadda qabnaa kalsooni badan, tani waa waxa aan u baahanahay, maxaa yeelay ku ciyaarista garoonka Anfield waxay u baahan tahay geesinimo\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Manchester(SONNA)-\u00a0Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskj\u00e6r ayaa si weyn u ammaanay qaab ciyaareedka naadiga uu hoggaamiyo dhigiisa J\u00fcrgen Klopp ee Liverpool xilli ciyaareedkan. Ole Gunnar Solskj\u00e6r ayaa ku tilmaamay Liverpool inay tahay kooxda ugu fiican xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League, xilli labada kooxood ay caawa ku balansan yihiin inay wada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":411957,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[85],"tags":[],"class_list":{"0":"post-411954","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-ciyaaraha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411954","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=411954"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411954\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":411958,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411954\/revisions\/411958"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/411957"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=411954"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=411954"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=411954"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}