{"id":411930,"date":"2019-11-21T08:55:06","date_gmt":"2019-11-21T05:55:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=411930"},"modified":"2020-01-21T12:15:37","modified_gmt":"2020-01-21T09:15:37","slug":"horseed-vs-m-c-c-final-ka-tartanka-general-daauud-oo-maanta-ka-dhacaya-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/horseed-vs-m-c-c-final-ka-tartanka-general-daauud-oo-maanta-ka-dhacaya-muqdisho\/","title":{"rendered":"Horseed vs M.C.C\u2026 (Final-ka Tartanka General Daa\u2019uud oo maanta ka dhacaya Muqdisho)"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho(SONNA)-<\/strong><strong> \u00a0<\/strong>Garoonka Eng Yariisow Stadium ayaa galabta wuxuu marti soori doona ciyaarta kama dambeysta dhacdada final-ka koobka General Daa\u2019uud ee fasal ciyaareedkan.<\/p>\n<p>Kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa ku coltami doona cooska mac-malka ee yaala garoonka Eng Yariisow, iyagoo dheeshan midba midka kale ay u tahay ciyaar weyn, Horseed ku rajo weyn in ay ka aarsato wiilasha Muqdisho City Club oo sanadkii hore ka qaaday koobkan, halka Muqdisho City Club ay u dagaalami doonto inay difaacato koobkan, si sanadkii labaad oo xiriir ah\u00a0 ay qaado.<\/p>\n<p><strong>XAQIIQOOYINKA KULANKAN:-<\/strong><\/p>\n<p>Kooxda kubadda cagta Horseed kulankii ugu dambeyay ee wareegga afar dhammaadka waxay ka soo adkaatay naadiga Gaadiidka ciyaar ku soo dhammaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday wiilasha Horseed.<\/p>\n<p>Wiilasha Muqdisho City Club kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxay rigoorayaal 4-1 ugu soo tallaabtay kooxda Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Labadan kooxood ee Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay\u00a0 isku arkan kama dambeysta dheesha koobka General Daa\u2019uud xilli markaas loo awood sheegtay wiilasha Macallin Cabdi Joon ee Horseed kaddib markii lagu lagday rigooreyaal 4-3, ciyaarta waqtigii loogu tala galay waxay ku soo dhammaatay 1-1.<\/p>\n<p>Ciyaaryahan Farxaan Duqow ayaa wali xusuusan kaarkii casaanka uu qaatay sanadkii la soo dhaafay final-ka koobka General Daa\u2019uud, isagoo iminka diyaar u ah inuu si awood leh u wajaho kooxda Muqdisho City Club.<\/p>\n<p>Horseed iyo Muqdisho City Club sanadkan waxay kuwada jireen Guruup-ka B, iyaagoo isku soo arkay marxaladda Guruup-yada, waxayna kulankooda ku kala baxeen barbaro goolal la\u2019aan 0-0.<\/p>\n<p>Kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed kulan ciyaareedkan waxay weyn doontaa xiddigeeda weerarka ugu ciyaaro ee Bernado, kaasoo ku seegaya dheeshan kaararka digniinta (Jaalleyaal).<\/p>\n<p>Tababare Cabdi Joon ayaa markii saddexaad oo xiriir ah gaaray finaal-ka koobka xiisaha badan ee General Daa\u2019uud isagoo mar kula guuleystay Kooxda Elman, halka marna isagoo hoggaaminya Naadiga Horseed laga qaaday, galabtana waxaa markale uu diyaar u yahay inuu dheelo final-ka General Daa\u2019uud isagoo hoggaaminaya Horseed.<\/p>\n<p>Macallin hoggaamiya kooxda Muqdisho City Club Mahamed Masteri ayaa galabta dheeli doona final-kiisii ugu horreyay tan iyo markii uu badalay macalinkii hore kooxda M.C.C ee Hussein Mblango, isagoo raba inuu koobkan General Daa\u2019uud la qaado kooxdan.<\/p>\n<p><strong>Ogeysiis Ciyaarta:-<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tartanka:<\/strong>\u00a0Final-ka Koobka General Daa\u2019uud<\/p>\n<p><strong>Kooxaha:<\/strong>\u00a0Horseed FC vs Muqdisho City Club<\/p>\n<p><strong>Garoonka:<\/strong>\u00a0Eng Yariisow Stadium<\/p>\n<p><strong>Saacadda:<\/strong>\u00a03:30 galabnimo<\/p>\n<p><strong>Maalinta:<\/strong>\u00a0Khamiis<\/p>\n<p><strong>Taariikhda:<\/strong>\u00a021-11-19<\/p>\n<p><strong>Qiimaha Kulanka:<\/strong>\u00a0Lacag la\u2019aan<\/p>\n<p><strong>Jawiga Garoonka:<\/strong>\u00a030\u00b0c<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)- \u00a0Garoonka Eng Yariisow Stadium ayaa galabta wuxuu marti soori doona ciyaarta kama dambeysta dhacdada final-ka koobka General Daa\u2019uud ee fasal ciyaareedkan. Kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa ku coltami doona cooska mac-malka ee yaala garoonka Eng Yariisow, iyagoo dheeshan midba midka kale ay u tahay ciyaar weyn, Horseed ku rajo weyn in ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":411941,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[85,94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-411930","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-ciyaaraha","8":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411930","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=411930"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411930\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":411946,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411930\/revisions\/411946"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/411941"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=411930"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=411930"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=411930"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}