{"id":411042,"date":"2020-01-11T09:45:44","date_gmt":"2020-01-11T06:45:44","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=411042"},"modified":"2020-01-11T11:10:40","modified_gmt":"2020-01-11T08:10:40","slug":"madaxweyne-farmaajo-iyo-dhigiisa-eriteriya-oo-kulan-xasaasi-ah-ku-yeeshay-asmara","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-iyo-dhigiisa-eriteriya-oo-kulan-xasaasi-ah-ku-yeeshay-asmara\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteriya oo kulan ku yeeshay Asmara"},"content":{"rendered":"<p><strong>Asmara(SONNA)<\/strong> Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.<\/p>\n<p>Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada<br \/>\nAsmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal<br \/>\nay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey<br \/>\nee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda<br \/>\nFederaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu<br \/>\nu fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer<br \/>\nMadaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo<br \/>\nwax-wada-qabsiga labada dowladood.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga<br \/>\nmahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta<br \/>\ndiirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo<br \/>\nwafdigiisa.<\/p>\n<p>Madaxweyna Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo muddo laba cisho ah booqanaya dalka Eretriya ayaa lagu wadaa in madaxda dalkasi ku lafa-guraan sidii loo dardargelin lahaa<br \/>\ndhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee<br \/>\nlabada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii<br \/>\n2018-kii.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Asmara(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki. Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":411060,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-411042","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411042","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=411042"}],"version-history":[{"count":7,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411042\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":411064,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/411042\/revisions\/411064"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/411060"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=411042"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=411042"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=411042"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}