{"id":410889,"date":"2020-01-06T09:54:18","date_gmt":"2020-01-06T06:54:18","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=410889"},"modified":"2020-01-06T09:54:18","modified_gmt":"2020-01-06T06:54:18","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-cambaaraysay-weerakii-argagixiso-ee-manda-bay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-soomaaliya-oo-cambaaraysay-weerakii-argagixiso-ee-manda-bay\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerakii argagixiso ee Manda Bay"},"content":{"rendered":"<p>Muqdishu-(SONNA)- War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa canbaarayn dusha looga tuuray weerarkii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.<\/p>\n<p>\u201cWeerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka\u201d Ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya<\/p>\n<p>Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaanayso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijinaysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqayso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.\u201d Ayaa lagu yiri qoraalka.<\/p>\n<p>Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. \u201cDhaqankan waa mid caadi u ah ururkaan argagixiso.\u201d Sidaas waxaa yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdishu-(SONNA)- War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa canbaarayn dusha looga tuuray weerarkii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. \u201cWeerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":410890,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-410889","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/410889","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=410889"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/410889\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":410892,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/410889\/revisions\/410892"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/410890"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=410889"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=410889"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=410889"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}