{"id":410507,"date":"2019-12-31T13:25:25","date_gmt":"2019-12-31T10:25:25","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=410507"},"modified":"2019-12-31T17:53:45","modified_gmt":"2019-12-31T14:53:45","slug":"deg-deg-baarlaamka-federaalka-ah-ee-soomaaliya-oo-ansixiyey-miisaaniyadda-sanadka-2020","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/deg-deg-baarlaamka-federaalka-ah-ee-soomaaliya-oo-ansixiyey-miisaaniyadda-sanadka-2020\/","title":{"rendered":"Baarlaamka Federaalka  oo ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.<\/p>\n<p>188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen.<\/p>\n<p>Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyay Miisaaniyadda Qaran ee \u00a02020-ka oo cadad ahaan dhan <strong>$476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar)<\/strong> ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 188-Xildhibaan 1-Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena 2-Xildhibaan \u00a0ayaa ka aamustay sida uu natiijadda codeynta \u00a0ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Sidoo kale Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay Ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2020.<\/p>\n<p>Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo tira ahaan la\u2019eg \u00a0<strong>$476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) <\/strong>waxaa ka muuqda koror dhan <strong>76-Million <\/strong>oo doolar marka loo eego miisaaniyadii sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka ,waxaa kale oo miisaaniyadan ka muuqata in ay ku koobantahay Kharashaadka adeega maamulka iyo difaaca Qaranka taasoo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $<strong>369,751,045 <\/strong>una dhiganta<strong> 77.7%, <\/strong>Arrimaha Bulshada oo loo qoondeeyay <strong>64,450,722 <\/strong>una dhiganta\u00a0 <strong>13.5% <\/strong>halka haraaga oo dhan <strong>$41,949,135 <\/strong>oo u dhiganta <strong>8.8% <\/strong>qoondada miisaaniyadda 2020-ka loogu talo galay Hay\u2019adaha dhaqaalaha.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda labada Aqal uga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka.<\/p>\n<p>Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa\u00a0 maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka\u00a0 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen. 188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen. Mudanayaasha labada Aqal ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":410493,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-410507","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/410507","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=410507"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/410507\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":410523,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/410507\/revisions\/410523"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/410493"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=410507"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=410507"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=410507"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}