{"id":409794,"date":"2019-12-21T14:29:31","date_gmt":"2019-12-21T11:29:31","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=409794"},"modified":"2019-12-21T14:29:31","modified_gmt":"2019-12-21T11:29:31","slug":"masuuliyiin-ka-tirsan-dowladda-oo-si-diiran-u-soo-dhaweeyay-wafdi-ka-socda-somaliland-oo-deeq-keenay-sawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/masuuliyiin-ka-tirsan-dowladda-oo-si-diiran-u-soo-dhaweeyay-wafdi-ka-socda-somaliland-oo-deeq-keenay-sawirro\/","title":{"rendered":"Mas\u2019uuliyiin ka tirsan dowladda oo si diiran u soo dhaweeyay wafdi ka socda Somaliland oo deeq keenay \u201cSAWIRRO\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Baladweyne ee Somaliland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 600,000 oo dollar (Lix boqol oo kun oo Dollar) soo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, ganacsato iyo Culimo Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa boggaadiyey in dadka walaalaha ee Soomaaliya iyo reer Somaliland ay is caawiyaan, taasina ay muujineyso sida dadkeennu ay ugu weyn tahay Soomaalinimada.<\/p>\n<p>Jamaal Ceydiid Ibraahim guddoomiyaha guddiga gurmadka fataadaha Baladweyne ee Somaliland, ayaa sheegay in dhaqaalahan ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo madaxda Somaliland si ay u garab istaagaan walaalahood ay fataahaduhu saameeyeen ee reer Baladweyne..<\/p>\n<p>Xildhibaan Suleybaan Maxamuud Xaashi iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka socday Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga mahadceliyey dadaalka iyo dadnimada ay walaalaha Somaliland muujiyeen.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in gurmadka dhaqaale ee reer Somaliland uu muujinayo sida weli labada shacab ay isu jecel yihiin, loona baahan yahay in madaxdu ay ka faa\u2019iideysato midnimadaas.<\/p>\n<p>Gurmadka dhaqaale ee gaaraya Lixda Boqol oo kun oo Dollar ee Somaliland ka yimid ayaa muujinaya walaaltinimada dheer iyo isku gargaaridda labada dhanba, waxaana lagu xusuustaa in abaarihii qeybo ka\u00a0 mid ah dalka ku dhuftay\u00a0 sannadkii 2011-kii in ay kaalin muuqata ka qaateen gurmadkii lagu badbaadinayey boqollaal kun Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-409795\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/1-6.jpg\" alt=\"\" width=\"1032\" height=\"581\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/1-6.jpg 1032w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/1-6-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/1-6-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/1-6-1024x576.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1032px) 100vw, 1032px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-409796\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/2-5.jpg\" alt=\"\" width=\"1032\" height=\"581\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/2-5.jpg 1032w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/2-5-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/2-5-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/2-5-1024x576.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1032px) 100vw, 1032px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-409797\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/3-5.jpg\" alt=\"\" width=\"959\" height=\"540\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/3-5.jpg 959w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/3-5-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/3-5-768x432.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 959px) 100vw, 959px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-409798\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/4-5.jpg\" alt=\"\" width=\"1032\" height=\"581\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/4-5.jpg 1032w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/4-5-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/4-5-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/4-5-1024x576.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1032px) 100vw, 1032px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-409799\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/5-5.jpg\" alt=\"\" width=\"1032\" height=\"581\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/5-5.jpg 1032w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/5-5-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/5-5-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/5-5-1024x576.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1032px) 100vw, 1032px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Baladweyne ee Somaliland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 600,000 oo dollar (Lix boqol oo kun oo Dollar) soo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, ganacsato iyo Culimo Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":8,"featured_media":409797,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-409794","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/409794","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/8"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=409794"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/409794\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":409800,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/409794\/revisions\/409800"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/409797"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=409794"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=409794"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=409794"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}