{"id":409769,"date":"2019-12-21T12:15:12","date_gmt":"2019-12-21T09:15:12","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=409769"},"modified":"2019-12-21T12:15:12","modified_gmt":"2019-12-21T09:15:12","slug":"taliska-ciidanka-booliska-oo-shaaciyay-in-lagu-guuleystay-tayeynta-ciidanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/taliska-ciidanka-booliska-oo-shaaciyay-in-lagu-guuleystay-tayeynta-ciidanka\/","title":{"rendered":"Taliska ciidanka booliska oo shaaciyay in lagu guuleystay tayeynta ciidanka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) &#8211; Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan oo ka hadlayay xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ee Degmada C\/casiis ayaa sheegay in booliska uu soo maray marxalado kala duwan, maantana uu marayo meel uu ku hiigsanayo xaqiijinta amniga dalka.<\/p>\n<p>Taliyaha ayaa xusay in ciidanka booliska ay yihin lafdhabarka bulshada, shacabkuna looga fadhiyo inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeyso booliska.<\/p>\n<p>\u201cUmad waliba waxaa lafdhabar u ah ciidanka booliska, Ummadaas oo dooneysa jiritaanka dhowrista, hiigsaneysana horumar, xasilooni iyo cadaalad, haddii aanay ciidan boolis jirin, horumar, hiigsasho, xasilooni iyo cadaalad midna lama helayo\u201d ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sareeyo Guuto Cabdi Xasan ayaa daboolka ka qaaday in lagu guuleystay sidii loo tayeyn lahaa ciidanka, loona xoojin lahaa wada shaqeynta kala dhexeysa Maamulada Degmooyinka iyo shacabka<\/p>\n<p>\u201cWaxaa ciidanka la siiyaa tababaro kala duwan oo ay ku jirto ilaa iyo heer Jaamacadood, oo ay ugu faa\u2019iideeynayaan naftooda iyo mas\u2019uuliyadda ka saaran shacabkooda, waxaana tani ay qeyb tahay sidii loo tayeyn lahaa ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday\u201d ayuu yiri Taliyaha Booliska oo hadalkiisa ku daray \u201cWaxaa horumar laga gaaray xiriirka u dhexeeya maamulada 17-ka degmo iyo saldhigyada booliska ee gobolka Banaadir oo ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo sidii ay isugu xirnaan lahaayeen shacabka gobolka ku nool\u201d.<\/p>\n<p>Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan ayaa ka tacsiyadeeyay ciidamada qalabka sida ee naftooda ku waayay difaaca dalka, waxaana uu Alle uga baryay kuwa dhaawacmay in uu Alle u boog dhayo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan halmalyo u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha, \u00a0Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Xaasaskooda in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo Baraare\u201d .ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) &#8211; Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan oo ka hadlayay xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ee Degmada C\/casiis ayaa sheegay in booliska uu soo maray marxalado kala duwan, maantana uu marayo meel uu ku hiigsanayo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":8,"featured_media":409770,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-409769","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/409769","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/8"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=409769"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/409769\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":409771,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/409769\/revisions\/409771"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/409770"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=409769"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=409769"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=409769"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}