{"id":408592,"date":"2019-12-04T21:21:07","date_gmt":"2019-12-04T18:21:07","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=408592"},"modified":"2019-12-04T21:21:26","modified_gmt":"2019-12-04T18:21:26","slug":"soomaaliya-oo-ka-qeyb-gashay-shir-heer-wasiir-ah-oo-looga-hdlayo-hal-abuurka-afrikasawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-ka-qeyb-gashay-shir-heer-wasiir-ah-oo-looga-hdlayo-hal-abuurka-afrikasawirro\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir heer Wasiir ah oo looga hdlayo Hal-abuurka Afrika+Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Accra \u2013 Ghana-(SONNA)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Soomaaliya, Mudane; C\/laahi Bile Nuur, ayaa ka qeybgalay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Afrika, kaas oo Maanta ka furmay Magaalada Accra, Caasimadda Dalka Ghana.<\/p>\n<p>Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada isgaarsiinta iyo waxbarashada ee Dalalka Qaaradda Afrika ayaa waxaa furay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, oo Dalkiisu Sanadkan uu martigelinayo kulankan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo la hadlayay wufuudda kala duwan ee shirka ka soo qeybgashay ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay hadba sidii loo horumariyo teknolojiyada iyo waxbarashada.<\/p>\n<p>Wasiiru-Dowlaha oo ka hadlayay ahmiyadda shirkan u leeyahay dalka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu ku jiro sidii loo baahin lahaa aqoonta teknolojiyada (digital literacy) si dadweynuhu uga faa\u2019iideysan karaan adeegyada teknoolojiyadeed ee dalka ka jira.<\/p>\n<p>\u201cDalkeena ma horumari karo teknolojiyad ahaan haddii aan la dhisin aqoonta Dadkeenna ee Teknolojiyada, waayo haddii uu adeegga jiro, balse aysan Dadku aqoonin way adkaaneysaa in ay ka faa&#8217;iideystaan adeegyadaasi. Sidaasi darteed waxaan ugu baaqeynaa shirkadaha, hay\u2019adaha horumarinta ka shaqeeya iyo Dalalka aan saaxiibbada nahayba inay nagala shaqeeyaan sidii loo baahin lahaa aqoontaas,\u201d ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan Golaha Wasiirrada xukuumadda uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii loo baahin lahaa waxbarashada loo adeegsanayo Teknolojiyadda (e-education), iyadoo la xaqiijinayo in dhammaan Dugsiyada sare ee Dalka ay helaan adeegga Internet-ka, iyadoo taasi Wasaaradda Boostadu kala shaqeyneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-408594 size-full\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN1-1.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN1-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN1-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN1-1-1024x683.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-408595 size-full\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN2.jpg\" alt=\"\" width=\"1180\" height=\"603\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN2.jpg 1180w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN2-300x153.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN2-768x392.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/CAN2-1024x523.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1180px) 100vw, 1180px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Accra \u2013 Ghana-(SONNA)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Soomaaliya, Mudane; C\/laahi Bile Nuur, ayaa ka qeybgalay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Afrika, kaas oo Maanta ka furmay Magaalada Accra, Caasimadda Dalka Ghana. Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada isgaarsiinta iyo waxbarashada ee Dalalka Qaaradda Afrika ayaa waxaa furay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":408593,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-408592","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/408592","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=408592"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/408592\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":408596,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/408592\/revisions\/408596"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/408593"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=408592"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=408592"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=408592"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}