{"id":407160,"date":"2019-11-13T10:42:22","date_gmt":"2019-11-13T07:42:22","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=407160"},"modified":"2019-11-13T11:40:47","modified_gmt":"2019-11-13T08:40:47","slug":"guddiyada-shaqada-ee-soomaaliya-iyo-qadar-oo-dooxa-ku-kulmaysawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddiyada-shaqada-ee-soomaaliya-iyo-qadar-oo-dooxa-ku-kulmaysawirro\/","title":{"rendered":"Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kala xasiisday heshiis+Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Dooxa-(SONNA)- Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu \u00a0saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;<\/p>\n<p>1.\u00a0 In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.<\/p>\n<p>2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.<\/p>\n<p>3.\u00a0 Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay \u00a0in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.<\/p>\n<p>4.\u00a0 Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.<\/p>\n<p>5.\u00a0 Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas\u2019uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.<\/p>\n<p>a.\u00a0 Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.<\/p>\n<p>b.\u00a0 Sidoo kale Dowladda \u00a0Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.<\/p>\n<p>Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood.<\/p>\n<p>Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar.<\/p>\n<p>Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka \u00a0Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas&#8217;uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka \u00a0Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.<\/p>\n<p>Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen \u00a0Guddi ka kooban Lix xubnood \u00a0oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-407162 \" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-2.jpg\" alt=\"\" width=\"1185\" height=\"676\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-2.jpg 871w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-2-300x171.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-2-768x438.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 1185px) 100vw, 1185px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-407163 size-full\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/2-2.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/2-2.jpg 1600w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/2-2-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/2-2-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/2-2-1024x768.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-407164 \" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-3.jpg\" alt=\"\" width=\"1191\" height=\"893\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-3.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-3-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-3-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-3-1024x768.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1191px) 100vw, 1191px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-407165 \" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/4-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1189\" height=\"668\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/4-1.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/4-1-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/4-1-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/4-1-1024x576.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1189px) 100vw, 1189px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-407166 \" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1187\" height=\"745\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-1.jpg 894w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-1-300x188.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-1-768x482.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 1187px) 100vw, 1187px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dooxa-(SONNA)- Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu \u00a0saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1.\u00a0 In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":407170,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-407160","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/407160","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=407160"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/407160\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":407173,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/407160\/revisions\/407173"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/407170"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=407160"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=407160"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=407160"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}