{"id":406432,"date":"2019-11-01T11:35:04","date_gmt":"2019-11-01T08:35:04","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=406432"},"modified":"2019-11-01T17:51:23","modified_gmt":"2019-11-01T14:51:23","slug":"anigu-waxaan-ahay-ciyaaryahankii-ugu-fiicnaa-ee-afrikaan-ah-taariikhda-samuel-etoo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/anigu-waxaan-ahay-ciyaaryahankii-ugu-fiicnaa-ee-afrikaan-ah-taariikhda-samuel-etoo\/","title":{"rendered":"\u201cAnigu waxaan ahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Afrikaan ah taariikhda\u201d \u2013 Samuel Eto\u2019o"},"content":{"rendered":"<p><strong>Afrika(SONNA)-<\/strong>In kasta uusan ku guuleysanin abaalmarinta Ballon d\u2019Or muddadii uu ciyaarayay kubadda cagta, haddana halyeeyga reer Cameroon wuxuu dareensan yahay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiicnaa ee Afrika taariikhda.<\/p>\n<p>Weeraryahankii hore ee kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ee Samuel Eto\u2019o ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicanaa Afrika ee taariikhda.<\/p>\n<p>38-jirkan ayaa ku soo qaatay mustaqbal wanaagsan xirfaddiisa ciyaareed ee kubadda cagta, wuxuu ku guuleystay 18 koob waaweyn oo ay ku jiraan saddex jeer tartanka Champions League ah iyo labo jeer oo koobka qarammada Afrika ah iyo sidoo kale Biladda dahabka ee Olombikada.<\/p>\n<p>Samuel Eto\u2019o ayaa afar jeer loo magacaabay xiddiga sanadka ee Afrika, laakiin wuxuu ku fashilmay inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d\u2019Or, wuxuuna markii ugu fiicneyd ee xiddiga ugu fiican Adduunka ragga ee FIFA oo uu u tartamo uu kaga dhammeystay kaalinta saddexaad sanadkii 2005.<\/p>\n<figure id=\"attachment_163596\" class=\"wp-caption alignnone\" style=\"width: 1039px;\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\" wp-image-163596 visible\" src=\"https:\/\/goolfm.net\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/skysports-ronaldinho-frank-lampar-lampard_3824179.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 768px) 100vw, 768px\" alt=\"\" width=\"1039\" height=\"585\" \/>Ronaldinho oo Samuel Eto\u2019o iyo Frank Lampard ku garaacay abaal-marinta FIFA World Player of the Year award sanadkii 2005.<\/figure>\n<p>Eto\u2019o wuxuu aaminsan yahay inuu ahaa cayaaryahanka ugu wanaagsan qaaradda Africa, marka loo eego horumarkiisa inta uu u ciyaarayay dalkiisa iyo kooxihii kala duwanaa ee uu soo maray.<\/p>\n<p>Xiddigii hore kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ee Samuel Eto\u2019o ayaa u sheegay Wakaaladda wararka AFP:<\/p>\n<p>\u201cUma baahni inaan wax uun sheegto ee waa xaqiiq, haddii aad aqbasho iyo haddii kaleba, waa xaqiiqo\u201d.<\/p>\n<p>\u201cQof kastaa wuxuu xaq u leeyahay aragtidiisa, waad ogtahay, Afrikaan ahaan, in marwalba nalagu xukumo, waxa aan la aqbali karin ayaa ah in dadkii ugu horreeyay ee sameeya ay had iyo jeer ahaayeen Afrikaan, waxba igama qaadi karaan, maxaa yeelay waxaan ku faanayaa inaan ahay Afrikaan\u201d.<\/p>\n<p>\u201cMarkaan eego meesha aan ka imid iyo illaa inta aan gaaray, nafteyda waxaan u sheegaa inaan xaq u leeyahay inaan faani karo\u201d.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afrika(SONNA)-In kasta uusan ku guuleysanin abaalmarinta Ballon d\u2019Or muddadii uu ciyaarayay kubadda cagta, haddana halyeeyga reer Cameroon wuxuu dareensan yahay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiicnaa ee Afrika taariikhda. Weeraryahankii hore ee kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ee Samuel Eto\u2019o ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicanaa Afrika ee taariikhda. 38-jirkan ayaa ku soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":406433,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"class_list":{"0":"post-406432","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-ciyaaraha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/406432","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=406432"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/406432\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":406434,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/406432\/revisions\/406434"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/406433"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=406432"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=406432"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=406432"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}