{"id":405914,"date":"2019-10-26T13:57:19","date_gmt":"2019-10-26T10:57:19","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=405914"},"modified":"2019-10-26T13:57:53","modified_gmt":"2019-10-26T10:57:53","slug":"baaq-ka-soo-baxay-shurka-aqoonsiga-horumarka-haweenka-ee-siyaasadda-dib-u-eegista-dastuurka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/baaq-ka-soo-baxay-shurka-aqoonsiga-horumarka-haweenka-ee-siyaasadda-dib-u-eegista-dastuurka\/","title":{"rendered":"Baaq ka soo baxay shirka \u00a0aqoonsiga &amp; horumarka Haweenka ee siyaasadda dib u eegista Dastuurka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)&#8230;Shirka aqoonsiga &amp; horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga La Socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, haweenka xubnaha ka ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo haweenka bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Ka qaybgalayaasha ayaa waxay ku kulmeen Hotel SYL muddadii u dhaxeysay 22ka \u2013 24ka Oktoobar 2019, Muqdishu \u2013 Soomaaliya.<br \/>\nShirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dadkii loo baahnaa in wax laga weydiiyo lagana talo-geliyo arrimaha aqoonsiga &amp; horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;<br \/>\n\u2022 Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda arrimaha xuquuqda haweenka;<br \/>\n\u2022 Iyadoo ujeeddadu tahay in si cad ah la isula meel dhigayo wax ka qabashada arrimaha haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;<br \/>\n\u2022 Iyadoo ay ka go\u2019antahay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-Socodka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib-u-eegista dastuurka in ay tixgeliyaan talooyinka iyo natiijoyyinka ka soo baxa shirka;<br \/>\n\u2022 Iyadoo la tixgelinayo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dhamaystirka dastuurka iyo doorka haweenka Soomaaliyeed;<br \/>\nUjeeddooyinka Shirka:<br \/>\nShirka wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:<br \/>\n1. Sidee loo Horumarin karaa haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda iyadoo lala eegayo cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad Farqadiisa 5aad.<br \/>\n2. Xoojinta ka-qeybgalka haweenka iyo wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka.<br \/>\n3. Qeexida xuquuqda haweenka iyo in ay helaan cadaalad sharci ku dhisan.<br \/>\nHelidda fikir mideysan oo taabagal ah si rasmi ahna loogu gudbiyo hay\u2019adaha ay quseyso.<\/p>\n<p>Shirka wuxuu isla aqoonsaday mabaadi\u2019da soo socota:<\/p>\n<p>1-Lahaanshaha Dastuurka: Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah habka dawladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>2-Xuquuq: Dastuurku waa kan ilaalinaya xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed astaynayana waajibaadka muwaadinka.<\/p>\n<p>3-U-wada-dhammaansho: Dastuurku waa in uu noqdaa mid ay kawada qayb-qaataan bulshada Soomaaliyeed laguna ilaaliyo u-dhammaanshaha matalaadda siyaasadeed iyo tan maamul matalaadda haweenka ugu yaraan 30%.<\/p>\n<p>sugidda xuquuqda iyo karaamada aadanaha sida ku xusan Qodobka tobonaad ee Dastuurka KMG ah.<br \/>\n3. Waa in lagu caddeeyaa dastuurka KMG qodobada ka hadlaya xuquuqda haweenka iyo doorkooda ka qayb galka siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada.<br \/>\n4. Haweenka waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay\u2019addaha guud ee qaranka, ugu yaraan 30% gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa laysku magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada Madaxabannaan ee Qaranka, sida uu tilmaamayo dastuurka Cutubka 1aad, Qodobka 3aad Farqadiisa 5aad.<br \/>\n5. Waa in la dhiso Guddi Haween ee dabagal ku sameeya geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.<br \/>\n6. Waa in haweenka xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka ay hubiyaan xeerarka, dabagalaana dhammaan xilalka la magacaabayo ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed.<br \/>\n7. Haweenku waa in ay si mug leh oo muuqata uga mid noqdaan arrimaha u baahan qodobada wada xaajoodka siyaasadeed ee dastuurka KMG ah, sida arrimaha masiiriga ah ee Hannanka Cadaaladda, Maqaamka Caasimadda, Amniga, Awood Qaybsiga, Khayraad Wadaaga, Nooca Doorashooyinka, Nooca Dowladda iyo Hannaanka Maaliyadda.<br \/>\n8. Ugu dambeyn, haweenka Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan wada hadal iyo in loo midoobo danta Diinta, Dadka iyo Dalka si loo gaaro xasilooni iyo dowladnimo waarta.<\/p>\n<p>Bogaadin:<\/p>\n<p>Shirka Aqoonsiga &amp; Horumarka Haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed.<br \/>\nUgu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirka waxay xaqiijiyeen ka go\u2019naashaha ka qaybqaadashada dib-u-eegista dastuurka iyo ilaalinta dhamaystirka dastuurka ee arrimaha la xiiriira xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)&#8230;Shirka aqoonsiga &amp; horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga La Socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, haweenka xubnaha ka ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":405916,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-405914","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/405914","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=405914"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/405914\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":405919,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/405914\/revisions\/405919"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/405916"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=405914"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=405914"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=405914"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}