{"id":405171,"date":"2019-10-13T11:28:38","date_gmt":"2019-10-13T08:28:38","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=405171"},"modified":"2019-10-13T11:28:38","modified_gmt":"2019-10-13T08:28:38","slug":"soomaaliya-oo-ka-aamustay-cambaaraynta-jaamacadda-carabta-ee-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-ka-aamustay-cambaaraynta-jaamacadda-carabta-ee-turkiga\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka aamustay cambaaraynta Jaamacadda Carabta ee Turkiga"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka gaabsaday war-murtiyeedkii kasoo baxay kulankii Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ku aaddanaa howl-galka Milatari ee uu Turkiga ku qaaday Waqooyiga Dalka Suuriya.<\/p>\n<p>Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar mudane ; Towfiiq Axmed C\/laahi oo kulanka Jaamacada Carabta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu Saaxiib la yahay Soomaaliya, kana caawiyay waxyaabo badan, sidaa daraaddeedna ay ka gaabsanayaan war-murtiyeedka Jaamacadda Carabta eek u saabsan howl-galka Turkiga.<\/p>\n<p>\u201d Turkiga waa Dowlad saaxiib la ah Soomaaliya, waxa ayna xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba naga caawisay dhismaha dhammaan hay\u2019adaha xukuumadda ka dib dagaalladii sokeeye ee Dalka soo maray.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay Jaamacada Carabta ay Garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray.<\/p>\n<p>Danjire; Towfiiq, ayaa xusay in sidoo kale ay jiraan saaxiibbo Carbeed oo sida Turkiga oo kale ka taageeray Soomaaliya xagga dib u dhiska Ciidamada iyo xasilloonida Dalka.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in ay mar walba Soomaaliya Garab taagan tahay Walaalaha Suuriya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara loo helo mushaakilka siyaasadeed ee ka aloosan gudaha Suuriya.<\/p>\n<p>Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar, Towfiiq Axmed, ayaa xalka keliya ee Suuriya ku tilmaamay mid siyaasadeed, laguna dhameeyo wada hadal ay dhinacyada is haya ka qeyb galaan, sida uu qabo cahdiga Jaamacadda Carabta.<\/p>\n<p>Kulanka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta oo ku saabsanaa howl-gallada Milatari ee uu Turkigu ka wado Waqooyiga Suuriya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Qaahira, waxana shir Guddoomiyay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Ciraaq mudane; Muxamed\u00a0 Cali Al-xakiim.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka gaabsaday war-murtiyeedkii kasoo baxay kulankii Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ku aaddanaa howl-galka Milatari ee uu Turkiga ku qaaday Waqooyiga Dalka Suuriya. Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar mudane ; Towfiiq Axmed C\/laahi oo kulanka Jaamacada Carabta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu Saaxiib la yahay Soomaaliya, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":405172,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-405171","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/405171","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=405171"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/405171\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":405173,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/405171\/revisions\/405173"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/405172"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=405171"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=405171"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=405171"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}