{"id":404720,"date":"2019-10-06T13:30:31","date_gmt":"2019-10-06T10:30:31","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=404720"},"modified":"2019-10-06T13:30:31","modified_gmt":"2019-10-06T10:30:31","slug":"hab-qoraalka-iyo-taariikhda-far-soomaaliga-qeybti-5aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hab-qoraalka-iyo-taariikhda-far-soomaaliga-qeybti-5aad\/","title":{"rendered":"HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA Qeybti 5aad"},"content":{"rendered":"<p>HAB-QORAALKA<br \/>\nIYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA<\/p>\n<p>OLOLAHA HORUMARINTA REER MIYIGA<br \/>\n\u2022\tLabaatan iyo labo aamustiyo, shaqal irmaaneeya<br \/>\n\u2022\tAmran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge<br \/>\n\u2022\tisku dare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah<br \/>\n\u2022\tEbyan iyo haddaan magac u yaal, ku arkay joornaalka<br \/>\n\u2022\tMar haddii afkeygii la qoray, Aabe iyo Hooyo<br \/>\n\u2022\tMar hadaan amaahsigii ka baxay, lagu ogoontoobay<br \/>\n\u2022\tAbaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye<br \/>\n\u2022\tAmiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene<br \/>\n\u2022\tAfafka qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibay<br \/>\n\u2022\tAnaa macallimoo raba dad loo furo iskuullaade.<br \/>\n&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;- Abwaan: Cabdulle Raage Taraawiil<\/p>\n<p>Ol Olaha Horumarinta Reer Miyiga (Somali Rural Literacy Campaign) wuxuu ahaa barnaamij qaran oo caalamka uu la fajay ummada Soomaaliyeedna tusay kalsoonida ah in ay bulsho wax qabsan karto. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ah, &#8220;Rag tashaday cir tararay wey toli karaan taako labadeede&#8221;, oo macnuhu yahay mar haddii talo la helo wax aan la soo koobi karin ayuu aadmigu qaban karaa. &#8220;Rag&#8221; waxaa loola jeedo dad oo dhan, rag iyo dumar ayaana ku jira.<\/p>\n<p>HORUDHAC<br \/>\nSanad guuradii seddexaad ee kacaanka ayaa bishii Oktoobar 21 sanadkii 1972 waxay dawladdu sii sheegtay in la qori doonno farta afka Soomaaliga laga billaabo sanadka soo socda ee noqon doonna 1973. Waxayna sanadkii 1973-dii bishiisi koobaad dawladdu ku dhawaaqday in la billaabo hirgalinta farta rasmiga ah ee Soomaaliga.<br \/>\nOL-OLIHII FAR-SOOMAALIGA \u201cAug,1974-Mar.1975\u201d oo markii hore\t caasimada Muqdisho ama Xamar ka bilowday iyada oo shaqalaha Dawladda lagu amray inay 3 bilood ku bartaan qorista iyo akhrinta ka dib markii farta la qoray 1972dii. Mudo kordhis ayaa lagu sameeyay amarkii hore oo saddex bilood oo dheeraad ah ayaa shaqaalaha loogu daray si aysan shaqadood u lumin.<br \/>\nTaariikhda wanaagsan ee wadanka Soomaaliya iyo waxqabadkii dowladdihii wadanka ayaa waxaa ka mid ah qoristii afka hooyo, Af-Soomaali iyo ololihii xigay oo dhowr sanadood socday. Macalimiin 28,000 gaaraya, muruq la biirshay iyo murti ayaa lagu fuliyay O-Olaha Horumarinta Reer Miyiga.<\/p>\n<p>WAJIYADA HIR-GALINTA FARTA-SOOMAALIGA<br \/>\n1.\tSeddex waji oo karti iyo maamul wanaag ka muuqdo ayaa loo billaabay hirgalinta farta Soomaaliga.<br \/>\nMarkii koobaad, waxaa la amray in shaqaalaha dawladda sare ay muddo seddex bilood ah ku bartaan qorista iyo akhrinta Far-Soomaaliga, inkastoo haddana seddex bilood oo kale loogu daray si ay qummaati ugu bartaan.<\/p>\n<p>2.\tMarkii labaad, waxaa la amray in far barashada Soomaaliga laga hir-galiyo iskuulaadka magaalooyinka waawayn iyo dagmooyinka. ololahan wuxuu socday, hal sano waana laga guul gaaray.<br \/>\n3.\tMarkii Seddexaadna, waxaa loo jeedsaday ololihii reer miyiga iyo ka hirgalintii farta. waa ololihii ugu dhibka iyo kharashka badnaa, uguna muddada dheeraa intii far Soomaaliga la hirgalinayay. Waxaa lagu guulaystay in tuula kasta iyo reer meel ku jira oo kastaba macallin la gaarsiiyo.<br \/>\nSidaas maamul wanaagga iyo maskaxdu ku dheehan tahay ayaa waddanka dhan seddexaas olole loogu wada baahiyay qorista iyo akhrinta farta Soomaaliga.<br \/>\nOlolaha hirgalinta Far Soomaaliga waxaa ku baxday Maaliyad dhaqaale oo aad u culus, waxayna dawladdu markii ay ka faraxalatay dhammaystirkii baahinta ololeyaasha baris barashada farta, soo saartay, tirakoobyada dadka la gaadhsiiyay habka geeddi socodkii baris-barashada ee muddada socotay. Qoraal ahaan waxay dawladdu sheegtay inay ka faa\u2019iidaysteen dad tiradoodu tahay 1,257,779 oo shaqsi. Ololahan oo halku dhiggiisu ahaa \u201cBar ama Baro\u201d.<\/p>\n<p>Barmaamijkan horumarinta hirgalinta Far Soomaaliga ee socday intii u dhaxaysay 1972-1975-tii waxaa ka qayb qaatay shaqaalaha dawladda dhammaantood, saraakiisha ciidammada qalabka sida iyo ardayda heerkasta dadkaas oo wadartoodu ahayd 28,000 oo qof. Markaas ayay boqolkiiba tirada dadka waxna qora waxna akhriya gaareen 55%.<br \/>\nHawlahaas iyo dhaqan galintooda, iyo habsamida maamul wanaagga markuu caalamku arkay ayay dadka Soomaaliyeed magac iyo maamuus dunidoo dhan ah ka heleen, luuqadda Af-Soomaaliguna waxaa loo aqoonsaday inay tahay luuqadda Seddexaad ee Qaaradda Afrika, Carabiga iyo Howsaha oo kaalinta koobaad iyo midda labaad kala ahaa iyaguna illaa haatanna waa sidii.<br \/>\nKAALINTI RAADIYO MUQDISHO, RAADIYO HARGAYSA IYO WAKAALADAHA QARANKA<br \/>\nLaga bilaabo Oktoobar 21, 1972 ilaa barnaamijka ol-olaha waxbarashada oo xaflad lagu soo af-jaray, barnaamijyo aan kala go&#8217; laheyn ayey Dawladda dalku ku soo bandhigtay laamaha warfaafinta wadanka.<br \/>\nWasaaradihii ku howlanaa fulinta ololaha waxbarashada waxay wadanka oo dhan gaarsiiyeen qoraalo, barnaamijyo ka baxayay raadiyaha iyo aalado kale. Waxaa barnaamijka hor-kacaysay Wasaarada Hanuuninta Dadwaynta oo ay wakaalado badan hoos iman jireen sida:<\/p>\n<p>\uf0fc\tWakaalada Filimada<br \/>\n\uf0fc\tTiyaatarka Qaranka<br \/>\n\uf0fc\tRadiyow Muqdisho<br \/>\n\uf0fc\tRadiyow Hargeysa iyo<br \/>\n\uf0fc\tWakaalada Madbacada Qaranka<\/p>\n<p>ARAGTIDA ADUUNKA<br \/>\nAqoonsi caalami ah ayay heshay bulshada Soomaaliyeed iyo amaan howl badnaanta Dawladda. Af Soomaaliga dhanka horumarka luqadeed, wuxuu noqday afka saddexaad ee Qaarada Afrika. Luqadaha Af-Carabiga iyo Af-Howsa ayaa kaalinta 1aad iyo 2aad ah.<br \/>\nArrimahan oo dhan waxay dhaceen toban sano iyo bar ka dib markii gumeysigii Afrika soo af-jarmay inta badan wadamada qaaraduna ay xoriyad heleen haba u jireen xoriyadahaas heerar kala duwan.<br \/>\nMaxdwaynaha Tansaaniya Nayeeri mar uu la hadlayay bulshada wadankiisa wuxuu yiri, &#8220;Anaga waxaan hadal hayno Soomaalida ficil ahaan ayay u qabtaan.&#8221; Wuxuu ula jeeday qoristii afka iyo ololahii ka dambeeyay ee lagu baahiyay farta magaalo, degmo ilaa heer tuulo.<\/p>\n<p>G<br \/>\nunnaanad kadib 46-sano, bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku caana maashay guushii lasoo hooyay waqtigaas. Waxa ayna afka iyo huurkaba uga duceysaa halgamayaashii guushaas inoo horseeday, si hagar ka fogna u hirgaliyay himiladii ummadooda iyo dhasha ummadaan dhaxli doonta. Waxaana dhab u rumoobay tuducii xiligaas uu ku guul geerarayay Taraawiil ee aheyd \u201cAmiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene\u201d. Abwaanku waxa uu si qalbi furnaan ugu ammaanay raggaasi inay naftood hurayaal u dhigmaan, mahadcelintoodana aan maarna la inkiri Karin.Waxa ay ka tageen dhaxal ummadeed \u201cadoo dhaxal reebi kara ha noqon dhinta aan la tabin\u201d.<\/p>\n<p>W\/D: Daljir C. Halgame:<br \/>\nEMAIL: omardaljir@gmail.com <\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA OLOLAHA HORUMARINTA REER MIYIGA \u2022 Labaatan iyo labo aamustiyo, shaqal irmaaneeya \u2022 Amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge \u2022 isku dare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah \u2022 Ebyan iyo haddaan magac u yaal, ku arkay joornaalka \u2022 Mar haddii afkeygii la qoray, Aabe iyo Hooyo \u2022 Mar hadaan amaahsigii ka baxay, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-404720","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","6":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/404720","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=404720"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/404720\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":404722,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/404720\/revisions\/404722"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=404720"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=404720"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=404720"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}