{"id":404008,"date":"2019-09-25T08:41:47","date_gmt":"2019-09-25T05:41:47","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=404008"},"modified":"2019-09-25T09:25:31","modified_gmt":"2019-09-25T06:25:31","slug":"soomaaliya-masar-iyo-kenya-oo-shir-saddax-geesood-ah-ku-yeeshay-new-york","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-masar-iyo-kenya-oo-shir-saddax-geesood-ah-ku-yeeshay-new-york\/","title":{"rendered":"Soomaaliya, Masar iyo Kenya oo shir saddax geesood ah ku yeeshay New-York"},"content":{"rendered":"<p>NEW YORK(SONNA)-25ka Sebteembar, 2019: Wadahadallo saddax geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Siisi ayaa ku soo idlaaday is faham.<\/p>\n<p>Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Siisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.<\/p>\n<p>Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqaynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo xusid mudan, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go\u2019aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.<\/p>\n<p>Madaxweyneayaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-404011 alignleft\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood2-281x300.jpg\" alt=\"\" width=\"795\" height=\"849\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood2-281x300.jpg 281w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood2-768x819.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood2.jpg 900w\" sizes=\"auto, (max-width: 795px) 100vw, 795px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-404010 alignleft\" src=\"http:\/\/sonna.so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood1-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"796\" height=\"597\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood1-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood1-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/09\/Shir-seddex-geesood1.jpg 960w\" sizes=\"auto, (max-width: 796px) 100vw, 796px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>NEW YORK(SONNA)-25ka Sebteembar, 2019: Wadahadallo saddax geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Siisi ayaa ku soo idlaaday is faham. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ahna Madaxweynaha Masar Mudane [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":404009,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-404008","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/404008","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=404008"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/404008\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":404034,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/404008\/revisions\/404034"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/404009"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=404008"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=404008"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=404008"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}