{"id":403656,"date":"2019-09-19T15:38:32","date_gmt":"2019-09-19T12:38:32","guid":{"rendered":"http:\/\/sonna.so\/?p=403656"},"modified":"2019-09-19T16:05:08","modified_gmt":"2019-09-19T13:05:08","slug":"warbixin-heyadda-lacagta-adduunka-oo-sheegtay-inay-soomaaliya-ka-gudubtay-qeybta-koowad-ee-barnaamijka-deyn-cafinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixin-heyadda-lacagta-adduunka-oo-sheegtay-inay-soomaaliya-ka-gudubtay-qeybta-koowad-ee-barnaamijka-deyn-cafinta\/","title":{"rendered":"Warbixin: Hay\u2019adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Warbixin ay hay\u2019adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey\u2019adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta\u00a0 (SMP4).<\/p>\n<p>\u201cMas\u2019uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen\u00a0 go\u2019aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey\u2019adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaalla Barnaamijka dabagalka deyn cafinta\u201d\u00a0 ayaa lagu yiri Warbixinta IMF.<\/p>\n<p>Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland\u00a0 waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember\u00a0 masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugidda degganaashaha dhaqaalaha iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagidda dhaqidda Lacagaha iyo maalgelinta Argagaxisada<\/p>\n<p>Dhammaadka booqashada Allison Holland hoggaanka wada hadalka deynta cafinta IMF waxay tiri<\/p>\n<p>\u201cDooddii mira dhalka ahayd ee ay wada yeesheen mas\u2019uuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay heshiis ku gaareen in la dhameystiro qeybta Koowaad ee wajiga Afaraad ee barnaamija dabagalka deynta, waxaana heshiisku sugayaa ansixinta maamulka hay\u2019adda Lacaga Adduunka \u201c<\/p>\n<p>\u201cKobaca dhaqaalaha waa mid deggen\u00a0 2.9 Boqolkiiba 2019 sicirka Suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah illaa 4.0 Boqolkiiba, waxaana sabab u ah qiimaha sarreeya ee Cunnada oo ay keeneen Roob yaridii dhacday horraantii Sanadkan, adkaashaha xaaladaha ammaanka iyo isbeddalka cimmilada\u201d ayay tiri IMF.<\/p>\n<p>\u201cHay\u2019adda Lacagta Adduunka waxay soo dhoweynaysaa sida mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya ay uga go\u2019an tahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga Afaraad waana la wajahay, inkastoo weli ay qataro jiraan haddana waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaaridda qeybta Labaad ee wajiga Afaraad\u201d<\/p>\n<p>\u201cHannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa waddadii la rabay, uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhoweysay nidaamka cusub ee Lacagaha moobaylka la isugu diro kaas oo muhiim u ahaa barnaajikan iyo degganaashaha dhaqaalaha \u201c<\/p>\n<p>\u201cwaxaan ku faraxsannahay go\u2019aanka wadajirka ah ee wasiirrada maaliyadda Dowlad Goblleedyada iyo wasiirka maaliyadda ee Dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaaridda Barnaamijka\u00a0 deyn dhaafka\u00a0 iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadda.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Lacagta Adduunku waxay dhiirri galinaysaa joogteynta wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban barnaamijkan\u201d<\/p>\n<p>\u201cMas\u2019uuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go\u2019aankooda ka guul gaaridda wejiga Afaraad si loo gaaro\u00a0 shirweynaha go\u2019aan gaarista deyn cafinta, mas\u2019uulyintu waxa kale oo ay wadajir uga shaqeeyeen qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu\u00a0 wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray\u201d<\/p>\n<p>\u201cSi loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo Beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hay\u2019adaha dhaqaalaha Caalamka iyo deyn dhaafka\u201d<\/p>\n<p>\u201cInta lagu jiray booqashada wafdiga hay\u2019adda Lacagta Adduunka matalayay waxay la kulmeen wasiirka maaliyadda Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddiga maaliyadda Baarlamanka oo ay warbixin ka dhagaysteen.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo hay\u2019adaha kale ee qeybta ka ah barnaamijka deyn cafnta\u201d<\/p>\n<p>\u201cKooxda Barnaamijka dabagalka deyn cafinta waxa ay\u00a0 ku casuumeen Bangiga Adduunka, Midoowga Yurub iyo\u00a0 wasiirrada maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo yeeshay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa caqabadaha iyo\u00a0 fursadaha horyaalla deyn dhaafka, kaasi oo dhacay 14-kii September.<\/p>\n<p><strong>Cabdishakuur Cali Axmed<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Warbixin ay hay\u2019adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey\u2019adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta\u00a0 (SMP4). \u201cMas\u2019uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen\u00a0 go\u2019aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey\u2019adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-403656","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","6":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/403656","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=403656"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/403656\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":403658,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/403656\/revisions\/403658"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=403656"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=403656"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=403656"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}