Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta oo kulan la qaatay xubno ka socday Jaamacadaha Dalka.

La wadaag cid kale

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Eng. Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa maanta kullan isbarasho iyo is xog-wareysi ah la yeeshay xubno ka socday ururka midowga jaamacadaha Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa xubnaha ka Socday jaamacadaha kula dardaarmay inay laban laabaan dadaalkooda si loo helo Jaamacado bixiya waxbarasho ytayo leh.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Eng. Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), ayaa ballan qaaday in uu xilweyn iska saari doono tayeynta jaamacadaha, wasiirka ayaana soo hadal qaaday kormeerkii iyo hubintii dhawaan ay guddiga Tacliinta Sare ku sameeyeen Jaamacadaha.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono natiijada ka soo baxday kormeerka uu guddiga ku Sameeyey Jaamacaddaha dalka.

Waxaa kullanka goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ,Wasiiru dowlaha waxbarashada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Tacliinta Sare.

 

La wadaag cid kale