Wasiirka wasaaradda Deegaanka oo ka qeyb-gashay shirka golaha loo dhan yahay+Sawirro

La wadaag cid kale

New York-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimmilada Soomaaliya, Khadiija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa ka qeyb gashay xafladda furitaanka meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaasoo Ka dhacaya New York ee dalka Mareekanka.

Shirka ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan Isbeddelka Cimilada, cunno yarida,  tamarta,  shaqo la’aanta, awood-siinta haweenka, iyo waxbarashada.

inta uu socdo shirka waxay kulan doceedyo la qaadan doontaa qaar ka mid ah madaxda dowladaha gobolka iyo sidoo kale wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka si wax looga qabto Isbeddelka Cimilada iyo Arrimaha deegaanka.

La wadaag cid kale