Wasiirka Warfaafinta oo ku booriyey howlwadeenada SONNA inay dar-dargaliyaan shaqada loo igmaday

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa maanta oo talaaddo ah kulan muhiim ah la qaatay tifaftireyaasha iyo Agaasimaha cusub ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, kaas oo ku saabsanaa qaababka sare loogu qaadi karo horumarka Istaraatiijiyadeed Qaranka.

Tifaftireyaasha Wakaaladdda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka howlaha maalinlaha ah, fursadaha iyo caqabadaha ku gadaaman shaqadda ee uu kamid yahay cudur Covid-19, intii uu socday kulanka.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Axmed xuseen, ayaa sheegay in did u habeyn lagu sameeyey qaab dhismeedka iyo nashqadda Wakaaladda oo baxda saddex luuqadood oo kala Soomaali, Carabiga iyo Ingiriiska.

Agaasimaha Wakaaladda, ayaa ka codsaday Wasiirka inuu ka taageero Wakaaladda hagaajinta Xarunta, horumarinta shaqaalaha iyo bixinta Agabyada lagama maarmaanka u ah howlaha Wakaaladda.

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa ku ammaanay Agaasimaha iyo Shaqaalaha Wakaaladda dar-dargalinta shaqada, isagoo kula dardaarmay inay sii waddan shaqadda wanaagsan ee ay hayaan maadama Wakaaladdu tahay isha koowaad ee macluumaadka.

“Kormeerkeyga SONNA iyo kulanka aan idinla qaatay ujeeedadiisu waa inaan idin ku dhiiragaliyo shaqadda muhiimka ah ee aad heysaan, waxaan idinku boorinaya inaad labo laabtaan dadaalkiina ku aadan arruurinta iyo baahinta wararka saxda iyo kuwa deg dega ah ee la gaarsiiyo dalka iyo dib u soo celinta dhammaan xariiraddii Wakaaladda kala dhaxeeyey Wakaaladaha Wadamadda aan xariir wadaagna nahay” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

 

La wadaag cid kale