Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir guddoomiyey kulanka wadajirka ah ee bangiga adduunka iyo IMF.

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa shir guddoomiyey kulanka wadajirka ah ee bangiga adduunka iyo IMF oo looga hadlay habka ugu sahlan ee dawladda Soomaaliya ku heli laheyd kabka miisaaniyadda oo sanadkii lasoo dhaafay la joojiyey.

Kulanka ayaa waxaa kale oo diirada lagu saaray sii wadida isbeddalka maaliyadda iyo sare u qaadida dakhliga dalka sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaalle Beyle.

“Maanta waxa aan shir-gudoomiyay kulanka wadajirka ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo aan uga wada hadalnay habka ugu sahlan ee Dowladda Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay, Waxaa kale oo aan diiradda saarnay sii wadidda isbaddalka Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya”

 

 

La wadaag cid kale