Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridda dhallinyaradii dooneysay inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid dhallinyaradii dooneysay in ay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka. “ waxaan  Xanuunka la wadaagayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dhallinyarada  go’aansatay inay  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku biiraan oo dalkooda ay u adeegaan oo maanta  argagixisadda  ay ku Xasuuqeen  Goob ka baxsan halkii lagu diiwaan galinyay, argagixisada uma kala soocna  Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqayaa shacabkeenna Sharafta leh in ay Dowladooda ku garab siiyaan dagaalka ay kula jirto argagixisada aan arxanka leheen, waxaan geesiyaasha u heelan difaaca dalkooda iyo dhallinyarada Waxbaratay ee ku dhiiratay in Ciidanka ay ku biiraan leeyahay waa sababta aad u go’aansateen in dalkiina aad ka difaacdaan cadowga. Qarankiina iyo shacabkiina marna ma ilaabi doonaann abaalkiina”. ayuu yiri Xasan Xuseen Xaaji

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Sheegay in  halkeeda ay ka Sii Socon doonto Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Qoridda Dhallinyarada waxbatay ee rabta in Qarankooda ay Difaacaan, Waxaa kale uu boogaadiyay howlgalada  Ciidanka Xoogga Dalka ay ka fulinayeen  qaar ka mid ah Gobalada dalka kuwaas oo lagu baacsanayo Haraadiga argagixisadda .

La wadaag cid kale