Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda oo soo xiray tababar lagu horumarinayey tayada Hey’adda duulista rayidka “ Sawirro”

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan axmed farax ayaa maanta u soo xiray tababar iyo ka tashi la xariira Hay’adda duulista rayidka kaa soo  kor Loogu qaadayo Horumarinta guddiga sare ee Hay’adda iyo howlwadeennada. Iyadoo wadatashi tilmaam looga qaadanayey siday Hay’adda u noqon lahayd mid xoojisa howlaha muhiimka ah ee bulshada iyo Qaranka ay u heyso.

intii uu socday wadatashigu, waxaa barbar socday tababar la xiriiray hannaanka ugu sarreeya ee shaqo ee hay’adaha duulista caalamka halkaa oo ay hay’addu hiigsanayso, tayada iyo horumarinta adeegyada iyo howlwadeennada duulista. waa billowga qorshe dhow oo kor loogu qaadayo adeegyada guud ahaan howlaha shaqo ee garoomada dalka.

La wadaag cid kale