Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka socda Kenya

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaali Duraan Axmed Faarax ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wafdi ka socda Kenya.

Wafdiga ayaa waxaa Hoggaaminayay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kaama kuunji, waxaana wafdigaan ay ka koobnaayeen Diblamaasiyiin iyo Ganacsato Soomaaliyeed, iyadoona Muqdisho ay u yimaadeen ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 15 May 2022.

Ugu horrayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Duraan Axmed Faarax ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Muqdusho, waxaana uu Ganacsatada Soomaaliyeed ee wafdiga qaybta ka ahaa uu ugu baaqay in dalka ay maal gashadaan.

Xildhibaan Yusuf Xasan ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay hana qaadka dawladnimada Soomaaliya.

La wadaag cid kale