Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Uganda+Sawirro

La wadaag cid kale

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay dhiggiisa dalka Ugansda H.E Hon Vincent B. Ssempijja, taliyaha Ciidanka Uganda (UPDF) Gen. Wilson Mbadi iyo iyo xubno kale oo la socday.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeeysa labada dal.

Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ahaa, taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga, taliyaha ciidanka cirka iyo saraakiil kale.

La wadaag cid kale