Wasiirka Dhalljnyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqday xarumaha ay ku xareysan yihiin Ciyaaryahanada dowlad goboleedyada “sawirro”

La wadaag cid kale

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalla Soomaaliya mudane Xil. Xamsa Saciid Xamsa, ayaa booqoasho ugu tagay xarumaha ay ku xareysan yihiin ciyaaryahanada dowlad goboleedyada KoonfurGalbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland ee ka qeyb-galaya ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa u kuur galay xaaladaha ay ku sugan yihiin ciyaaryahanada xulalka KoonfurGalbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyey ee tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir,

Wasiirka Xamsa Saciid Xamsa ayaa kula dardaarmay dhammaan Ciyaaryahanada in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag iyo asluub maadaama ay matalayaan Xulalkooda.

Tartanka Dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir, ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo magaalada muqdisho, waxaana caasimadda ku sugan dhammaan ciyaaryahanada matalaya gobolada lala duwan.

 

 

 

La wadaag cid kale