Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kormeer ku tagey garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cabdulle Cismaan iyo qeybta duulista Hawada Soomaaliya, ka dib markii uu shalay si rasmi ah xilka ula wareegay.
Kormeerka oo ujeeddadiisu ahayd mid uu ugu kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, waxaa ku weheliyay masuuliyiin uu kamid yahay wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Xirsi Aadan Rooble iyo masโuuliyiin kale.
Wasiir Duraan oo kulamo xog-wareysi ah la yeeshay howlwadeennada garoonka, masโuuliyiinta shirkadda Favori iyo saraakiisha hayโadda Duulista ayaa tagey qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka.
โHowlaha ka socda garoonka waa arrin dhiirrigalin mudan , waxaanna kormeerkeyga halkan uga billaabay muhiimada uu Dalka u leeyahay garoonka iyo qeybta Duulista .โ ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray โ Dadaalladeena waxay noqon doonaan sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.โ
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Mudane Duraan Faarax ayaa kula dar-daarmay masโuuliyiinta iyo howlwadeennada inay dareemaan masโuuliyadda Qaran ee saaran, isagoo xusay in Dawladdu ay ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka.