Wasiir Dubbe “Xukuumadda waxaa ka go’an ka mira dhalinta kulamada Wadatashiga”

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u mira dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee  u socda dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaal ka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cisman Dubbe ayaa SONNA u sheegay in Xukuumadda rajo badan ka qabto in kulamadu ku soo dhamaadaan natiijo wanaagsan iyo wadajir u fulinta heshiiskii 17kii September.

La wadaag cid kale