Wasiir-dawlaha Waxbarashada oo soo xiray Tababar socday Muddo 9 cisho ah “Sawirro”

La wadaag cid kale
Muqdisho (SONNA)-Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa maanta soo xeray tababarka 133 tababare oo tababari doona macallimiinta Waxbarashada Aas-aasiga ee Deg-degga ah (WAD).
Wuxuu tababarka socday muddo 9 maalmood ah oo ay tababarayaashu barteen casharo kala duwan si ay u sii gaarsiiyaan macallimiinta Waxbarshada aas-aasiga ee Deg-degga ah (WAD).
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Caabbi oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Mashruuca Bar ama Baro oo suuragaliyay tababarka, isla markaana la dardaarmay tababarayaasha in ay waajibaadka saaran ay u gutaan si masuuliyad iyo dareen leh, kana qeyb qaataan tayaynta waxbarashada dalka.
Ugu danbeyn, Wasiiru Dawlaha Wadaaradda ayaa gudoonsiiyay shahaadada dhameystirka tababarka dhammaan tababarayaasha ka yimid Dawlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banadir.
La wadaag cid kale