Wasaaradda Qorsheynta oo Baydhabo ku soo gabagabeeysay Shirka wadatashiga qorshe howleedka Istaraatiijiyadda xalka waara ee Koonfur galbeed

La wadaag cid kale

Baydhabo-(SONNA)-Wadatashiga oo socday muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu waxaa ay ahayd diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedkaasi oo gacan weyn ka geystay dar-dargelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo fatahaada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowladd gobaleedka Koonfur galbeed Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa sheegay in uu aad uga farax sanahay in howshan si wannaagsan kusoo dhamaatay ka maamul ahaana ay diyaar u yahiin dar-dargalinta qorshe howleedka Istaraajiyadda xalka waara kaas oo muhiim inoo ah.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa faah-faahisay natiijada ka soo baxay wadatashiga maalmahan ka socday maamul gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

“Waxaan ku guulaysanay in aan diyaarinoqorshe hawleed sanad ah oo wax looga qaban doono xaaladda Baraka ee dowlad goboleedka KoonfurGalbeed, ayadoo bulshadaas laga dhisayo dhinacyada nolol maalmeedka, u adkaysiga musiibooyinka, nolol iyo xirfadaha. Ka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ahaan waxaan ku dedaalaynaa sidii loo fulinlahaa qorshaha ay dejisteen maamulku looguna raadin lahaa kharashaadkii lagu fulin lahaa qorshaha” ayeey tiri Zahra Cabdi Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee XfS ayaa waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Adduunka (WorId Bank), Iyada oo gebagabadii shirka laga soo saaray qorshe howleedka sannadka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee dowlad goboleedka koonfur galbeed oo noqayso dowladd  gobaleedkii 4th ee la diyaariyo qorshe howleedkan, kaas oo wax weyn ka tarayo in xal waara laga gaaro barkacan saameynta weyn ku leh dalkeenna si loo xaqiijiyo hurmaro waa wayn.

La wadaag cid kale