Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo ka hadashay lacagaha Xajka

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble iyo shirkadaha duulimaadyada ee sanadkaan ka shaqeynaya arrimaha Xajka ayaa kulan ay maanta yeesheen waxaa ay faahfaahin ka bixiyeen lacagta Xajka lagu aadayo sanadkaan oo bulshada qeyb ka mid ah ay sheegeen inay qaali tahay.

Bahda wasaaradda oo wasiirku hoggaaminayo iyo shirkadaha ayaa isla qiray in lacagta sarakac ku yimid, iyaga oo xaaladahaas ku sababeeyay marxalada maanta ay aduunyado ku jirto ee ah qiima kororka shidaalka, COVID-19 19 iyo xujayda oo la dajinayo Hoteelo qaali ah.

Wasiirka ayaa dhanka kale canbaareeyay falkii Nabiga SCW loogu gafay oo uu ku kacay masuul ka tirsan Dowladda India.

La wadaag cid kale