Warbixin: Xirfadaha gacanta oo aysan ku badneyn bulshada

La wadaag cid kale

SONNA (MUQDISHO) Dhalinyarada Qaarada Afrika ayaa saameyn xooggan waxaa ku yeeshay shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalalkooda,taas oo keentay in ay badankooda ka hajiraan dalalka Qaarada oo ay saboolnimada iyo amni darada,baahsan ay buddhigtay.

Soomaaliya ayaa qayb ka’ah dalalka ay dhalinyarada haysan shaqo abuur ay ku maareyaan nolosha qoysaaskooda,dhalinyarada ayaa taas badalkeeda waxaay galan Tahriib ay ku gaaran dalalka reer Yurub,oo ay aragtii ahaan aminsan yihiin in ay nolol ka wanaagsan mida ay ku jiran ka helayaan,iyagoo mara waddo adag oo marar ka qaar halsi galin karta naftooda.

Haddaba, waxaa jira fursado shaqo oo dadke Soomaaliyeed aysan jaclayn badan kooda wax ka barashada xirfadahaas,dalka Soomaaliya waxaa uu badan dhalinyaro kuwaas oo lagu qiyaaso 75% inay bulshada ka yihin hasa yeeshee badankood wax shaqa ah ma hayaan.

Waxaa jiro xirfaddo dhalinyarada intooda badan aysan daneyn,balse loo baahan yahay in ay wax ka bartan ama ay wax ka fahmaan waxaana kamid ah:-Kalluumeysiga,Tabcashada Beeraha,Xannaaneynta Xoolaha ah,Xirfadaha sida Harqaanka,Timo-jarista,Kabalyeeriga iyo Tumsita Birtaha.

Inkaasto dhalinyarada ay aad u jecelyihiin shaqooyinka fudfudud ee xafiisayadda,taas oo ay u arkaan fursada kaliyah ee ku haboon oo ay ku maareyn karaan nolosha.

Dhalinyarada waxbaratay ayaan qaban shaqooyinka gacanta ee aan kor ku soo xusnay,iyadoo ay sabab u tahay in lagu takooro ama aysan helin dhiiri-gelin dhanka xirfadaha gacant ah,sidoo kalena aysan badneyn goobah lagu barto xirfada gacanta.

Xirfadaha aan kor ku soo xusnay ayaa intooda badan waxaa isticmaala dad-yar oo kooban kanaa soo saartaha nolol maalmeedkooda,dadka qaar ayaa uu arka in aysan ahayn fursaddo muhiim uu ah bulshada,Ummad kasta waxaa ay ku horumartaa xoojinta iyo dhiiri-gelinta shaqaalaha xirfada iyo wax soo saarka leh, taasi oo ka caawin karta dhaliyarada la daala dhacaysa shaqo la’aanta baahsan.

Yoonis Axmed waxaa uu kamid yahay Dhalinyarrada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho,waa arday dhigta mid kamid ah Jaamacadaha dalka, markii uu dib uga soo laabto waxbarashada, waxaa uu ku shaqeystaa Xirfadda Harqaanka ama Dawaarlaha waxaa uu Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in uu dadka qaar kala kulmo dhiiri-gelin halka kuwo kalan ay shaqadiisa ku yasaan.

“Dadka markii ay ii yimaadaan, waxaa ay igala hadlaan xilliga aan waxbarashada dhammeynayo oo aan shaqo kale oo ka wanaagsan ka helayo, balse ma jiro qof i dhahaya howsha aad bulshada u hayso waa wacan tahay” Yoonis Axmed ayaa sidaas yiri.

Khubarrada Daraaseysa Culuumta Bulshada, ayaa ka digaya haddii aan la dhiiri gelin dhalinyarrada iyo shaqaalaha kale ee ku howlan shaqooyinka wax soo saarka leh in hoos u dhac iyo gaabis ku imaan karo Dhaqaalaha dalalka soo korayaa iyo qabashada Xirfadaha Bulshada Muhiimadda gaarka ah u leh.

Dalkeena wuxuu rabi ku manneystay kheyraad badan oo ku jiraa baddiyo bari intaba oo isugu jira Xoollo iyo Beero, kuwaasi oo aysan qeyrkeyn haysan ama ay ka qatan yihiin. dhulka Soomaaliyeed waa mid ku habboon beerashada,tabacashada miraha iyo dalaga nuucyadiisa kala duwan.

La wadaag cid kale