Ukraine oo sheegtay in ay qabsatay badi Gobolka gobolka Kharkiv

La wadaag cid kale

Kharkiv(SONNA):-Dalal Ruushka Ukraine ayaa mudo ku siman toddoba bilood waxa ka dhex socda Dagaal xooggan kaas oo saamayn weyn ku yeeshay Qaaradda Yurub iyo guud ahaan dalalka caalamka.

Ciidamada Ukraine ayaa maalmihii u dambeeyey ka sheeganayey dagaaladii dhacay guulo horumar leh iyagoo ku dhawaaqay in ay gabi ahaan ba qabsadeen gobolka  Kharkiv dhowaan ayey ahayd markii madaxweynaha Ukraine booqasho ku tegay magaalada Sumy oo ka tirsan gobolka Kharkiv.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamadiisu ay bishan dib u qabsadeen 6,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah (2,320 square miles), isagoo ku booriyay reer galbeedka inay cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogaan Moscow.

La wadaag cid kale