Tiro maleeshiyada Al-Shabaab  ah oo gacanta lagu dhigay

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA)-Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa hawl-galka Midowga Africa ee AMISOM, qaybtooda Burundi ayaa gacanta ku soo dhigay tiro maleeshiyada Al-Shabaab ah kadib markii ay hawl-gal si wada-jir ah uga sameeyeen deeganada Golooley iyo Ceel-gelow oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe.

AMISOM ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in xubnahaas Al-Shabaab ee la qabtay ku wareejiyeen Police-ka Soomaaliya si ay baaritaan dheeri ah uga sameeyaan.

Hawl-galka ayaa ujeedkiisa ahaa isu socodka wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar oo laga dhigo mid amaan.

Hawl-gal ayaa imaanaya kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku dileen sarkaalka ka tirsanaa ciidanka xoogga halka asbuuci horena ay gaari ay la socdeen dad rakaab ah qarax miino ku laayeen.

Waxaana ay ciidamadu iska kaashanayaan xaqiijinta amniga wadaddaa dheer si gaar ah aagga ay ku soo noq-noqatay falalka amni daro ee  ku kacaan maleeshiyada Al-Shabaab.

La wadaag cid kale