Tirada Caruurta ku dhimatay Dagaalka Ukraine oo sii kordhaysa

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Sare ee dalka Ukraine Ugu yaraan 215 carruur ah ayaa lagu dilay 391 kalena waa lagu dhaawacay intii uu socday dagaalka Ruushka ee ka socda Ukraine.

Saraakiishan ayaa sidoo kale warbixintooda ku xusay in Ilaa 1,500 oo xarumo waxbarasho ah lagu lagu burburiyey weerarrada Ruushka, oo ay ku jiraan 102 oo gebi ahaanba la dumiyey.

Dhinaca kale millatariga Ukraine ayaa sheegay in tirada askarta Ruushka looga dilay intii uu socday dagaalka ay gaartay ugu yaraan 21,900. Ciidamada Ukraine ayaa burburiyay 884 taangiyada Ruushka ah, 2,258 gawaarida gaashaaman, 411 habab madaafiic ah, 149 gantaalada ridada dheer ah iyo sideed doonyood, ayaa lagu yiri bayaan militari ukraine soo saaray.

Ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale soo riday 181 diyaaradood,154 helikobter ah iyo 201 UAVs ah, sida ay ku sheegay warbixinta

La wadaag cid kale