Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ooshir la qaatay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta shir la qaatay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud iyo kan Doorashooyinka oo maraya heer gabagabo ah.

Si gaar ah waxaa shirka diiradda loogu saaray sugidda amniga guud ee Caasimadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyo adkaynta amniga Murashixiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

La wadaag cid kale