Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil ciidan oo ka kala yimid dowlad goboleedyada Dalka “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa tababar u soo xiray askar iyo saraakiil ka tirsan qeybta isgaarsiinta Ciidanka Booliska oo ka kala socday dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa muddo 10 cisho ah qaadanayay tababar la xiriirta dhanka isgaarsiinta, kuwaasi oo wax badan ka bartay hannaanka loo adeegsanayo qalabka isgaarsiinta.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa kula dar daarmay in aqoonta ay barteen ay uga faa’iideeyaan ciidamada booliska ee ku sugan goobaha ay ka yimaadeen.

 

La wadaag cid kale