Taliska inqilaabay dalka Guinea oo kulan la qaatay Ururada aan Dowliga ahayn

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Kornayl Mamadi Doumbouya oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey inqilaabkii ka dhacay dalka Guinea ayaa xartunta Baarlamaanka dalkaas kulan kula qaatay wakiilo ka socday Ururada aan dowliga ahayn iyo Diblumaasiyiin shisheeye kulankan ayaa sida la sheegay wuxuu qayb ka yahay daddaalada dib loogu dhisayo dowlad ku meel gaar ah dalka Guinea.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii sidan oo kale ururka Dhaqaalaha dalalka galbeedka Afrika(ECOWAS) ay kulan ka qaateen Taliska Sare ee Militarayga xukunka la wareegay.

 

La wadaag cid kale