Taliska Ciidanka Xoogga oo Beeniyey Warar ay baahiyeen Argagixisada.

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Taliska Ciidanka dalka ayaa beeniyay warar ay baahiyeen Argagixisada Alshabaab oo sheegaya in ay qasaaro gaarsiiyeen Ciidanka gaarka ah ee militariga Soomaaliya ” Danab” ee howlgalka ka fuliyay deegaanka Bukh-aqable oo 40km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Taliska waxaa uu sheegay xaqiiqda ay tahay in hawlgalka uu u dhacay si guul ah, Ciidankana dileen 18 ka mid ah argagixisada oo ay ku jiraan horjoogayaal islamarkaana ay burburiyeen xaruntii Alshabaab ee deegaanka Bukh-aqable.

La wadaag cid kale