SIDEE KAGA BADBAADI KARTAA CUDURADA KA DHASHA BIYAHA ROOBKA EE WASAKHEYSAN?

La wadaag cid kale

Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa ka da’ay Roobka xagaayaha loo yaqaan walow ay wali jirto abaartii ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka,gaar ahaan Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii danbe waxaa roobka xagaaga ayaa biyo dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho oo uu si wayn u saameyay kaas oo ay dadka ku diirsadeen.

Roobka xagaaga ee ka da’aya dalka ayaa saameyn caafimaad laga baqayaa in u ku yeesho bulshada,qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayuu biyo dhigay, gaar ahaan goobaha biyo galeenka ah sida Laamiyada iyo Waraha, kaasi oo khatar caafimaad ku sababi kara Bulshada danyarta ah ee deggan hareeraha goobaha biyaha wasaqeysan u kaga tagay roobka.

Xanuunnada faafa ee ka dhalan kara Roobka waxaa kamid ah, Malaariyada (Kaneecada), Shuban Biyoodka, Bakteeriyada nuucyadeeda kala duwan sida War-wareegowga (Dharawowga) gala lugaha iyo Gacmaha.

Dhaqaatiirta Caafimaadka waxaa ay tilmaameen in xilligan Kaneecada oo sababta Malaariyada ay xilliga roobka aad u badan tahay Goobaha Biyo galeenka ah, sidaasi darteedna kiisaska Malaariyada ay aad u kordhaan.

Cudurradan ayaa waxaa aad ugu nugul carruurta, maadaama had iyo jeer ay jecel yihiin in ay ku ciyaaraan Biyaha Wasaqeysan ee laga yaabo in ay ehel u yihiin Xannunaada aan kor ku soo xusnay.

Sidoo kale, Goobaha ay fadhiistan Biyaha Roobka waxaa ku dhuuman kara Bahalada qatarta ah, sida Masaska iyo Yaxaaska, kuwaasi oo laga yaabo in ay waxyeelo u geystaan dadka ka agdhowaada.

Haddaba, waxaa nala gudboon in aynu si foojigan u marno goobaha ay biyaha fadhiyaan oo aan lagu nagaan, isla markaasna laga ilaaliyo carruurta iyo dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba. Waxaa si gaar ah Mas’uuliyad u saaran tahay Waridka.

W/Q: Cabdiraxmaan Macalim Xasan

La wadaag cid kale