Shirarkii u socday Wasaaradda Gadiidka iyo Taliska ciidanka ilaalada wadooyinka oo galay maalinkii 3-aad Sadexaad.

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Shirarkii u socday Wasaaradda Gadiidka iyo Taliska ciidanka ilaalada wadooyinka oo galay maalinkii 3 Sadexaad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS mudane Cali Ga’al Gabow
Iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka Genaral Bishaar abshir geedi iyo Madax ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhamaan hay’adaha madaxa banaan ee Wadashaqaynta la leh Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
Saraakiil ka socotay kulankan oo maal mahan ka socday Xarunta Taliska ilaalada wadooyinka Muqdisho.

Shirkan ayaa maanta looga hadlay iskaashi iyo in wada shaqayn dhaw laga yeesho waxyaabaha hortabinta leh iyo ku dhaqanka sharciga wada marista iyo in lala shaqeeyo Cidanka Nabad galiyada wadooyinka iyadoo lagu soo qaaday kulanka in isgaysyada Muqdisho laga hirgaliyo samaafaraha oo mihiim u ah Gadiidka Tasoo yarayn doonta shilalka iyo saxmada wadoonyinka.

 

La wadaag cid kale