Shil diyaaradeed oo ka dhacay Ceel-waaq

La wadaag cid kale

Moqdisho(SONNA):-Diyaarad sidday rakaab 36  ruux oo sadeex ka mid ah ay yihiin duuliyaasha diyaarada taa oo kasoo kicitantay magaalada Nairobi ayaa ku soo dagtay  garoon aan la isticmaalin oo ku yaalah  degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-waaq ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba.

La wadaag cid kale