Shan Xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay.

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee (somaalilnd) ayaa maanta Talaado ah Dugsiga Tababrka ciidanka Booliska ee Gen-kaahiye ku qabtay doorashada 5-kursi oo katirsan xildhibaanada Golaha shacabka ee ku matalayo degaannada gobolada waqooyi ee (somaaliland)

Goobta doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi & xubno kamid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal & mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Soomaaliya, iyada oo ay codeynayeen 101 Ergo oo la soo xulay.

5-kursi ayaa waxa ku tartamayo musharaxiin dhowr ah iyadoona kursiga kowaad aya ku tartameen musharixiinta kala ah Maxamed cabdi Xayir Maareeye iyo C/raxmaan warsame saciid.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku guuleystay codad gaaraya 96-cod halka C/raxmaan Warsame uu la yimid codad dhan 3-cod.2- codna way halaben

Kurisga labaad ee HOP202 aya waxaa isna ku tartamay Aamino Cumar Jaamac iyo Aamino Cismaan Diiriye, Aamino cumar jaamac ayaa cod gacan taag ah ku soo baxday, ka dib markii ay tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye.

Kursiga Saddexaad ee HOP210 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo Cabdi Xaashi, balse kursiga ay ku guuleysatay Faadumo Xasan Cali kaddib markii ay u tanaasushay Hoodo Cabdi Xaashi.

Kursiga afaraad Hop#208 ee golaha shacabka JFS ayaa sidokale waxaa ku tartamay Maxamed Haaruun Cabdullaahi iyo Axmed Cali Maxamuud, waxana kursigaa ku guuleystay Maxamed Haaruun Cabdullaahi isaga oo helay dhammaan codadkii la tiriyay, 101-cod.

Kursiga shanaad ee tirsigiisu yahy Hop#233 ayaa waxa ku wada tartamay Axmed Cismaaan Diiriye iyo Dayib Cabdulqaadir Jaamac waxana ku guleystay Axmed Cismaaan Diiriye oo helay 65 cod, halka musharaxii la tartamay Dayib Cabdiqadir Jaamac uu helay 36 cod

Horay waxaa Muqdisho loogu doortay laba ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ka soo gala gobollada waqooyi, waxayna tirada guud ee xildhibaanada dooran ee Somaliland noqaneysaa todoba xubnood

 

La wadaag cid kale