Safiirka soomaaliya ee UK oo booqday xabsi ay ku jiraan dhallinyaro badan

La wadaag cid kale

Safiirka soomaaliya ee Dalka Ingiriiska C/qaadir Xaaji Axmed kheyre ayaa kormeerey xabsiyada dalkaas oo ay ku jiraan maxaabiis soomaaliyeed oo u badan dhalinyaro .

Kormeerkaasi waxaa safiirka ku weheliyay qunsulka safaaradda mudane Dhayid iyo gudoomiyaha ururka hooyada iyo caruurta Naciimo Xareed oo ah gabadhii soo abaabushay booqashada lagu tagay xabsida ay ku jiraan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintaasi oo la hadlay dhallinyarada ayaa u kuurgalay xaaladda niloleed ee maxaabiista Soomaalida,waxayna xasuusiyeen dhallinyarada in ay isha ku heyn doonaan xaalad kasta oo la soo gudboonaata dhallinyarada.

 

La wadaag cid kale